Dataset Viewer
text
stringlengths 156
2.16k
| audio
audioduration (s) 22.9
136
|
---|---|
Maalin maalmaha ka mid ah ayey labadii gabdhood kala raaceen labadoodii adhi ee labada bahood, una daaq geeyeen meel gocoso ama goon leh. Markay rabtii adhigii ku soo ekeeyeenna gocosadii ayey qoteen. Intay go cosadii ku Sii jeedeen ayaa adhigii hal cabbaar ah ka durkay. Had iyo jeer intay qodanayeen gocosadii inantii Saluugla ee fariid ahayd adhigooda ayey ilxoolaadinaysay, markuu dhamcana marba way soo dabaalaysay, hase yeeshee inantii Dhoongo ee nacasta ahaydse ilayn horey Soomaalidu hadal u dhammaysay, wataa ku maah maahday | |
llayn doqoni hadhkeedeey hoosiis moodaayee waxay bidhaansataa marba soonah ku beegan halkuu adhigu markay Soonahda 00 midabka adhiga leh caddaan waxayna ku tidhaahdaa walaasheed Saluugla, Col qaadkiinu hawl badanaa kaayagiiba waa ka halkiisii daaqayee Bismilaahi Raxmaani raxiim naadee wadnihii buu kaa qabtayee Waxay gocosadii gurtaanba inantii Saluuglana adhigoodii ilaashato, Dhoongana ay bidhaansato soonahdii, sidaas ayaa cadceeddii ku gaabatay inanti fariida ahaydna ku carraabisay adhigoodii kuna hoyaatin geysay | |
nacastiina is tidhi soo kaxee adhigii, saa meeshuba waa cidla, waxay bidhaansanaysayna waaba Soonah, adhigiina saaka salaadii ayuu jiciirtay, duurkiisana xulay. Sidaa ayaa adhigii Dhoongo ku baadiyoobay kuna tegay.Dhulkii wuxuu noqday hiimsehiimse, runtii mar kay ogaatay in aan adhi meesha joogin ayey baroor madaxa qabsatay iyadoo ku dhawaaqaysa erayo naxdin iyo uurkutaallo leh, Alla hoogay oo ba'ayeey habeen baas ma ii dumay, ma caawaa horor ka dhergay hantidayadi. Waxay cabbaar baroorataba tafa intay qabsatay ayey baadidoon tagtay | |
Waxay ruclayso 00 hadba geed baa riga ku qaaddo ileyn raad iyo ruux toona arkimayso 00 waa mugdiye, xeelad baadi-doonna ma taqaane, waxay la kulantay Waraabe, waxayna weydiisay adhigii ma arag ayuuna ku yidhi ee halkaa mar Waraabihii markay ka tagtay waxay kale 00 la kulantay Harimacad, su'aashii Waraabaha ay waydiisay ayey isna u jeedisay, wuxuuna ugu jawaabay, Maya ee halkaa mar Hal cabbaar ah markay ka socotay Harimacadkii ayey u timi Shabeel, su'aashii ay Waraabaha iyo Haricadkii ay waydiisay 00 ahayd, adhi ma aragteen? ayey isna weydiisay, Maya ee halkaa mar ayuu isna ku yidhi sidii kuwii hore 00 oo kale. | |
Markay ka tagtay Shabeelkii ayey waxay la kulantay Aar, waxayna waydiisay su'aashii habar-dugaaggii hore ay u jeedisay oo kale, wuxuuna ugu jawaabay, Haa ee haddii aan kuu sheego adhigiinii miyaad ii sheegi waalidkaa Maya ee ii sheeg adhigii ayey ugu jawaabtay Dhoongo. «Aniga ayaa cunay adhigiinii, hase yeeshee waan kuu soo wada humaacayaa dhammaantii isaga oo bedqaba, haddiise aad ii sheegto waalidkaa meel kasta tagoo waan ku cunayaa», ayaa Aarkii ku yidhi Dhoongo. Adhigii 00 wada nool ayuuna u soo hunqaacay markay wacadkii kala qaateen. | |
Raxaysay nacastii adhigii oon waxba ka maqnayn.qabtana wacadkii Aarka ay la ga shay. Dabadeed gurigoodii ayey adhigii keentay, balan balkii soo maray oo dhanna waxay uga sheekeysay hooyadeed Xaadsan. ivada oo si tafaftiran ugu marisay sheekadii ivada iyo Aarkii. halkaasna ku jebisay wacadkii dhex yaalay, ileyn waa tii hore 100 yidhi, Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan Saw Aarkiina kamaba ha dhinee dulcedka ayuu ka dhegeysanayey sheekadii dhex martav Dhoongo iyo hooyadeed, halkaas ayuuna ku ogaaday in ay jebisay wacadkii Xaadsan waxay u sheegtav Dhoongo in adhiga la aroorinaayo isla caawa, isla markay ogaatay in adhiga | |
la aroorinayo ayey ku tidhi hooyadeed. Hooyo haanteen na biyaha igu rid, haddii kale Aarkii ayaa i cunaya aan ku wacad furay Xaadsan intay ku ridday haantii avey ka soo lushay dhig dhexadii aqalka, adhigiina aroorisay.Aarkii oon isla markii ay Xaadsan adhigii dareerisay ka dib u soo wevdaartåy aqalkii oo gundhada jaray, isaga oo baadi-goobaya inantii Dhoongo, wuuna ka waayey ilayn waa tii hooyadeed qarisave. Halkaas ayaa Aarkii ileyn sidan ku tegi maayo e uu ku kacay khiyaamo ay ugu soo baxdo haddii ay aqalka ku jirto.Erayadii khiyaamada ahayd ee | |
Aarku vidhina waa kuwan Alla aan aqalkooda ku xaaro Alla aan subaggooda ku xaaro Alla aan saliga aabaheed ku xaaro Alla aan saliga hooyadeed ku xaaro Alla aan saliga walaalkeed ku xaaro Alla aan saligeeda ku xaaro Markuu saligeeda soo qaaday ayey tidhi ileyn doqoni waa barteed yaqaan ee Waar hanagaga xaarin waxay is nabto oo dhegaysatoba Aarkiina, waaba intuu rabay ee Eebahay ka baryaayey ee intuu ku booday dhig-dhexadii ayuu soo goostay haantii. Halkaas ayuuna ku cunay inantii Dhoongo nacas ee ku wacad furtay Intii uu cunaayey ayaa suulkeedii midig kaga dhacay haantii biyaha | |
Aarkii markuu dhammaystay raqdii suulkii aanu arkayn mooyee ayuu ka faaqsaday kuna noqday goobtii u hoyga ahayd Muddo yar ka dib ayey Xaadsan 00 wadda adhigii 00 cokan keentay gurigii iyada 00 uu hayo daal iyo harraad Kolkay aqalkii foodda soo gelisay wa xay ku aragtay qaab aan ahayn kay kaga tagtay, waxay na garatay inanteedii Dhoongo in halkaa lagu cunay. Markay aragtay haantii 00 dhex taal aqalkii waxay soo qaadatay koombadii biyaha lagu cabbi jiray ayna darsatay haantii intay tidhi Caawa ayaa gabbal baas ii dumay | |
cabtayna waxaana u raacay biyihii 00 ay liqday suulkii inanteedii ee ka hadhay Aarkii lagu wacad furay lleyn meeshii Eebahay wax ka wado dameerahaa weylo dhala Xaadsan ayaa halkaa uur ku yeelatay, siddeyna intii dumarka sedkooda ahayd dabeetana dhashay inan la yiraahdo Suul-Cawro Waa cibaaro Ilaah ee Suul-Cawro wuxuu lahaa astaamo la yaab leh 00 fara badan, waxaana ka mid ahaa, isaga oo le'ekaa Suul misana ah nin dhan, isaga oo ahaa Shaqaab xeelado badan runta iyo beentuna isugu mid tahay, qof kastana maskaxdiisa beddeli kara | |
waxa sa nina u yihiin baas, waxa xumina wax san. Fikrad kasta 00 san layskuna raaco wuu ka hor iman jiray, wuxuuna qaadan jiray lidkeeda, haddii lagu rogmanaayo. Si kasta oo wax u dhacaanna wuxuu ahaa nin aan kala jeclayn. Markuu Suul-Cawro muddo jiray. wuxuu aabihii Digaale ka codsaday in uu raaco lo'da, isaga oo leh «Aabe aniga aan raaco lo'da maanta waan ku filahay ee, horta dad kale ayuunbaa raaca ee maxaa aniga laygu diri waayey Digaale markuu muddo iska dhega maray inankiisa isaga oo had iyo jeer ugu jawaaba waad yar tahay ee waynowe soo kor | |
maalin maalmaha ka mid ah markii suul-Cawro oo diiday joog iyo jiif uu u oggolaaday in uu raaco lo'da, isaga 00 dardaarankanna faray raac lo'da maanta una daaqgee meesha aan lahayn colka iyo abaarta toona Suul-Cawro oo ahaa ninkii aan dabeecadihiisa qaloocnaa soo sheegnay ayaa kaxeeyey lo'dii, una daaqgeeyey meeshii lahayd colka iyo abaarta ee lagala dardaarmay. Waxa halkaa dabadeed kula kulmay SuulCawro iyo lo'dii colkii iyo abaartii lagala dardaarmay. Colkii markuu u yimid lo'dii, ayaa Suul-Cawro galay bur caws ah hoostiis | |
Colkii wuxuu ku dhawaaqay Lo'da yaa la jooga Suul-Cawro ayaa u jawaabay wuxuuna yidhi, Suul-Cawro ayaa la jooga, wuxuuna ku jiraa saca dhiin-dhiin burka u dhaw burkii ayaa colkii yimid waa na ka waayeent Mar labaad bay ku dhawaaqeen Yaa la jooga lo'da wuxuuna ugu jawaabay, Suul-Cawro ayaa la jooga wuxuuna ku jiraa saca dhiin-dhiin dhegtiisa midig waana laga waayey dhegtii markii la gooyey. Markuu colkii waayey waxa la jooga lo'da ayey kaxaysteen, ma as ileyn waa jinee ayuu ka soo dhacay Suul-Cawro | |
sacii dhiin-dhiin dabadiisa. Halkaas ayuu Suul-Cawro qaylo oodda ka qaaday, una soo qayladoon tegay aabihii Digaale, isaga 00 ku dhawaaqaya, QAabow lo'dii lala teg. Odaygii Digaale ayaa ka hor yimid Suul-Cawro wuxuuna ku yidhi, Lagu siiqaadyee orodoo hooyadaa u tag, waxaanad ku tidhaahdaa weylihii sii wada waraabi oo weyl walba qabaalkeedii ku waraabi Suul-Cawro isla markiiba wuxuu u yimid hooyadiis isaga oo ordaaya, wuxuuna ku yidhi, Naayaa waa naagta waxa aabahay ku yidhi weylaha wada qal oo weyl walba qabaalkeedii intaad wada bislaysid ku rid | |
qanjidh qeedhin yaanan u iman Xaadsan 00 fajac iyo amakaag dhabanka la haysa ayaa amarkii fulisay, intay run u qaadatay 00 weylihii wada qashay 00 intay bislaysay mid waliba ku ridday qabaalkeedii. Digaale oo lo'dii soo dhiciyey, colkiina daba socdo ayaa halkaa ka soo baxay muddo ka dibna yimid gurigii. Kolkiiba Xaadsan ayuu u dhawaaqay Digaale 00 yidhi, Xaadsan soo daa weylaha. Iyada oo argagaxsan ayey tidhi, Digaale saw digii soo faray, inankaaga, wada qal weylaha oo mid walba ku rid qabaalkeeda, dee sidii ayaan sameeyey | |
Digaale intuu naxay oo ciil iyo way timaha isaga rifay ayuu yidhi, Ileyn rag ciil isuma dooxo, way iyo way iigu yeedh la qaadka Kaalay lagu qaadayee, aabahaa ayaa kuu yeedhaya ee ayey ku dhawaaqday Xaadsan. Isla markiiba wuxuu u yimid aabihii. Digaale oo timihii taagan yihiin oo dhiilaysan ayaa ku yidhi inan kiisii waar orodoo lagu qaady raggaa iigu yeedh | |
Ingiriiska, Faransiiska iyo Mareykanka. Heshiisyadaa lagu gaaray waxa gundhig u ahaa 14kii qodob ee uu soo jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Wilson 8dii Jannaayo, 191 8kii. Qodobbadaasi waxay ka kala hadlayeen waxyaabo fara badan, siiba Yurub. waxaanse ka soo qaadanaynaa kuwii khusaynaayay adduunweynaha.Qodobka koowaad wuxuu cambaareynaayay heshiisyada qarsoodiga ah ee dawladuhu kala saxiixdaan, ujeeddadooduna aalaaba tahay dhac iyo boob. Waxa kaloo qodobbadaas, lagu soo sheegay lana codsaday in ummad walba xaq u leedahay in ay aayaheeda ka taliso. qodobka 14aad wuxuu Wilson ku codsanaayay in la dhiso urur qarammada ka dhexeeya si ay qola kasta ha yaraato ama ha weynaatee ay u hesho madaxbannaani siyaasadeed iyo soohdinteeda oo la nabadgeliyoqodobbadii uu Wilson soo jeediyey waxa ku jiray waxyaaba badan oo aad u raalli geliyay dadweynaha adduunka oo idil dadweynaha adduunka ku nooli kuma ay kalsoonayn madaxda reer Yurub oo siyaasaddoodu ku caanbaxday dal dhac iyo gumeysi, sidaa darteed aya aad loogu farxay hadalladii uu soo jeediyay Wilson, uuna uga horreeyay Lenin oo adduunka ugu baaqay nabadgalyo. Nasiibdarro habkii uu u dhacay shirkii Baariis iyo go'aannadii ka soo baxay ma ay noqon kuwii la malaysanayay.Shirka waxa lagu maamulayey dibloomaasiyadii hiddaysiga ahayd ee reer Yurub waligoodba ku dhaqmi jireen, taaso | |
Sida caadadu ahaan jirtay heshiisyada nabadgelyadu waxay ahaan jireen kuwa laga wada hadlay oo laysla oggolaado go'aannadii ka soo baxay shirkii Baariis markii ay soo dhammaadeen ayaa la ogeysiiyay dawladihii dagaalka looga guulaystay. Go'aannadii ka soo baxay shirkii Baariis waxa ugu qiima weynaa dhismaha ururka qarammada iyo hirgelinta mabda'a aayatashiga.Dhismaha Ururka Qarammadu waa qodob ka mid ah heshiisyadii Feersaylis dhammaantood. Ujeeddada laga lahaa Ururka Qarammadu waxay ahayd in la helo urur ay ku wada dhan yihiin dawladaha adduunka jira si ay uga wada shaqeeyaan badbaadada nabadgelyada. Waxa ra'yigaa lahaa madaxweynaha Maraykanka Wudrow Wilson, waxayna ka mid ahayd sababihii uu waddankiisa uga qayb galiyay dagaalkii. Waxay Ia ahayd in haddii Ia jebiyo Jarmalka halkaa uu ku baaba'ayo dagaal jacaylku adduunkuna diyaar u noqonayo in uu dhiso urur ilaaliya xiriirka adduunweynaha. Si uu dawladaha oo idil u oggolaysiiyo ka soo qaybgalka ururka, wuxuu oggolaaday waxyaabo badan oo waxyeelleeyey mabaadi'idii lagu dhisay Ururka. Waxa intaa soo raacay barlamaanka Maraykanka oo diiday ka qayb galka ururka. Ururka Qarammada, oo fadhigiisu ahaa Janiifa wUxUU lahaa, Xoghayn joogta ah, gole guud oo dawladaha oo idili ka qayb galaan codkoodana ka dhiiban karaan, gole gaar ah oo ay si joogta ah ugu leeyihiin kuraas shantii dawladood ee ugu xoogga weynaa (Ingiriiska, Faransiiska, Talyaani, Jabaan iyo Mareykanka), afar kursinaay u tartamaan dowladaha yaryar. Ugu horrayntii ururka Qarammadu uma dhismin si hagaagsan oo taabbagal ah. Waxa ururka ka maqnaa Jarmalka oo Faransiisku diidanaa, Midowga Soofiyeetiga oo waddammada hantigoosadka ahi dagaal kula jireen kana cabi qabeen in mabaadii'da ay hirgelinaysa waddàmmadooda ku soo fidaan. Waxa raacday dawladda Maraykanka markii barlamaankeeda oo u badnaa Xisbiga Jamhuuriga ah, uu ku diiday madadxweynihii Wilson, oo ka tirsanaa Xisbiga Dimoqraadiga in lagu socdo siyaasaddiisa. | |
Waxa uu ururka Qarammadu si rasmi ah u furmay 10kii Jannaayo 1920. Afartii sano ee u horre.ysay waxa keliya ee ururku qabtay hawl waxtar leh oo ay ka mid ahaayeen isku dubbbaridka, wax isla qabadka adduunweynaha xagga caafimaadka, gaadiidka iyo dhaqaalaha, waxa Ia dhisay hay'ado ka shaqeeya hawlahaas. Wixii waqtigaa ka dambeeyey waxa bilowday Liicitaankii waxtarka ururka. Muddadii u dhexeysay 1929 iyo 1938 waxa adduunka ka dhacay dagaallo badan oo muujiyay karti Ia'aanta ururka. Dagaalladaas waxa ka mid ahaa dagaalkii Shiine iyo Jabaan (1931-33) kii Talyaaniga iyo Itoobiya, dagaalkii Isbeyn, boobkii Ustariya iyo arrinta Albaaniya. Waxa intaa weheliyay shirkii looga wada hadlayay dhimista hubka oo fashilay. Ururku ma uusan ahayn mid dawladaha ku jiraa ay u siman yihiin ee waxa isaga tashaday Ingiriiska iyo Faransiiska. Dawlado badan oo waaweyn ayaa waayihii dambe ururka ka maqnaa, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Jarmal, Jabaan, Talyaani, Midowga Soofiyeeti, iyo Mareykanka. Sidaa darteedna wax qabadkii ururku waxay noqotay mid aan waxba ka jirin, awoodna u yeelan wayday in ay horistaagto dagaalkii dunida ee labaad. Waxa Ia doonayay, welwel weynna ku hayay dawladihii reer Y urub ee ku guulaystay dagaalkii in ay Y urub ku soo celiyaan nabadgelyadii oo ay noqotana mid waarta. Waxa u caddaatay in sida arrintaasi ku suurageli karto ay tahay ayadoo loo oggolaado ummadaha ku nool Y urub in ay aayahooda ka taliyaan. Markii mabda'aa Ia hirgaliyayna isbeddel weyn ayaa ku dhacay soohdimihii reer Yurub. Waxa dhashay dawlado cuSub, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Jukoslafakiya, Yugoslafiya, Rumaaniya IWM. Qaar badan oo kalena soohdimahoodii ama way ballaarteen ama wey yaraadeen. Y urub gudaheeda aad ayay u yaraadeen xaqadarradii jirtay iyo dadkii ku hoos noolaan jirayba, wixii ka dambeeyay 1918kii. | |
waxa qayb u helay Inairiis. Afrikada Koonfur aalbeed vvaxa. lon dhiibay Afrikada Koonfureea, Kameruun yo Tooco waxa Ram qavbsadav Jasşiraaihii ku viil öaawevnta Baas f 100 kala qaybıyay lJstareehva yo Jabo aanı Dagaalkii Dunida ee laad waxay Yurub ka soo baxday ayadoo aad u liidata ha noqoto xagga dhaqaalaha, nabadgelyada iyo xasiloonaanshaha siyaasadeed. Dadweynaha reer Y urub aad buu uga gilgilanayay nidaamkii hore loogu dhaqmayey, shuucinimaduna aad bay u fidaysay. | |
Dawladaha reer Yurub waxa dhexyiil isnacayb, colaad iyo kala shaki. Heshiiskii Feersaylis wUxUu eeddii dagaalka 00 idil dusha ka saaray Jarmalka 00 waxa lagu xukumay in wixii khasaara ahaa uu u geystay waddammaduu ku duulay magdhabo. 1921 kii magdhowga ay weydiisteen dawladihii ku guulaystay dagaalka wuxuu dhammaa 33 bilyan 00 doollar. Jarmalku heshiiskaa kuma calool fayoobayn 00 wuxuu had iyo jeer ka doodayey lacagtaa faraha badan 00 lagu xukumay. Faransiiska 00 ka cabsi qabay in Jarmalku dib u soo xoogaysto ayaanse marnaba oggolayn in loo naxariisto. Intaa waxa weheliyey Ururka Qarammada 00 xoog la'aan darteed ka soo bixi waayey kaalintiisii ahayd in uu sugo nabadda. Ururka Qarammadu ma uusan lahayn xoog uu ku horjoogsado haddii laba dawladood isku soo dulaan, sidaa darteed ayaa dawladihii waxay samaysteen heshiisyo isgaashaanbuureysi ah 00 ay doonayeen in ay iskaga badbaadiyaan duulaan shisheeye. Faransiisku wUxUU heshiis isbahaysi ah la saxiixday Jekoslafakiya, Yuguslaafiya, Romaaniya. Jarmalka iyo Midowga Soofiyeeti waxa dhexmaray heshiiskii Rabaallo 1922kii. Talyaaniga 00 heshiiskii Feerseylis aanu raali gelin wuxuu ku dadaalayay in ay meel ka soo wada jeestaan Ustariya. Hangeeriya, Bulgaariya iyo Albaaniya. 1920kii waxay u ekayd in ay Yurub ka gungaartay dhibatooyinkii uu ku reebay dagaalkii. kacaannadii demoqraadiga ahaa ee Yurubta dhexe waa la burburiyey. Mareykanku wuxuu siiyay dawladaha reer Yurub amaah si ay waddammadooda dib ugu dhisaan. Jarmalkii waa loo fududeeyey bixintii magdhowga. Waxa la sameeyay Qorsheyntii Dawes ee 1924kii 00 bixinta magdhowga loogu kala qaybiyay sannado iyo tii Yaang 00 looga dhigay magdhowgii 8 bilyan 00 qura. Baadidoonka nabadsugidduna WUxuu dhaliyay heshiisyadii Lokarno iyo Kaalog-Biiryand. Heshiiska hore Jarmalku wUxUU ku oggolaaday in uu ictiraafo soohdinta uu la lahaa Faransiiska iyo Biljinka, isagana waxa loo oggolaaday in uu xubin ka noqdo Ururka Qarammada. Heshiiska Bii ryaand 00 ay saxiixeen dawlado ka badan 60 waax | |
Khayraadka dabiiciga ah ee adduunku isku si uguma wada baahsana degaanada. Taas waxa si cad u muujinaya meelaynta degaanada si dabiici ah loo beeri karo, Si loo soo saaro midho dadyow tiro badan noloshooda kaabi kara degaan waa in uu yeeshaa ciid hodan ah, roob ku filan, heerkui ku habboon iyo oogo siman. Geyigeena inta qodobbadaas lihi waxay dhan tahay boqolkiiba toddoba (7%) marka dhulka badankiisa la eego. Dhulka badankiisu waxa uu dhan yahay lixiyo soddon bilyan 00 eeykar, inta se la beeri karaa waxay dhan tahay laba iyo bar bilyan 00 eeykar. Dhulkaasi la beri karo qaybtiisa ugu weyn Yurub bay ku taal. Wax lala yaabo weeye in Yurub 00 ah qaaradaha tan ugu yari in dhulka inta la beeri karaa ay saddex dalooloow dalool yeelato. Intaas waxa u raacay iyaga 00 reer Yurub gacanta ku dhigay qaarado ka durugsan 00 ay ka mid yihiin Ameerika, Ustareeliya iyo Niyuusiland, melayowgaasna ay degeen kuna tarmeen. Dalalka Aasiya iyo Afrika labadaba waxay ka sugteen gumeysi iyo ku dulnoolaansho, dabadeedna waxaa u suurtowday in khayraadka geyigeenu uu dadka cad ee reer Y urub gacanta u galo. Dalalka Yurubse kamay sinnayn taabista mustacmaradaha. Dalalka Isbayn iyo Boortaqiisku inkastooy qarnigii 16aad ay haysteen mustacmaradaha fidsan misana dalal tiro yar maahee intii kale oo dhan waa laga qaaday markii la garay 1914kii. Qarammada Talyaaniga iyo Jarmalka oo qarnigii 19aad midba geestii u noqday qaran midoobay, umay suurtoobin in ay taabaan mustacmarad aad u fidsan oo ay ku dulnoolaansho ka raacdaystaan. 1914kii afarta xoog ee Imbiraadooriyadaha aad u fidsan lahaa waxay ahaayeen Biritayn, Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka. Waxayna ahaayeen dalalka wax haysta. Dalalka Talyaaniga, iyo Jabaanna kuwa aan wax haysan ee ficilo iyo cadho haysay bay ahaayeen. | |
Rhiday qaskii adduunka ka oogmay. Dagaalweynihii laad ee adduunka %badiisii Biritayn, Ruushka, Farans iyo Mareykanka marka la isu geeyo dhulka gac, ugu jiray waxa uu dhammaa soddon Malyuun oo mayi oo laba jibbaar ah. Jabban, Tal v •aniga iyo Jarmalka dhulkay haysteen waxa uu dhammaa hal malyan oo mayi baaran. Tirada guud ee dadka ku nool Biritayn iyo Farans waxaydhammayd s jaashan malyan, mustacmaradaha ay haysteenna marka dunida saddex meel' d 100 qaybsho meel ahaan bay u dhigmayeen. Tirada guud ee ku noolayd dalka Jaş ,na l ka, Talyaaniga iyo Jabaanna waxay ahayd boqol iyo siddeetan malyuun. Mustacmaradaha ay maamulayeen waxay u dhigmayeen 1/20 inta dalka Faransiiska iyo Ingiriisku gumeysiga ka sugteen. Waxa halkaa inooga baxay sababaha Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanku ay u rabeen in Soohdimuhu ay sidooda ahaadaan, dagaalna la baajiyo. Biritayn iyo Farans waxay garab siiyeen ururka Qarammada, dalaika kalena waxay ka dalbeen inay ku biiraan ururkaas. Hase ahaatee, dalalka Talyaaniga, Jarmalka iyo Jabbaanku dagaalkii laad ee adduunka dabauıı aad bay u calool xumaaden. Saddexda dalba muddadii u dhexaysay 1919 — 19. JKii bay•xoog iyo itaal ku daldurugsadeen. Gardarrooyinkay oogeen baana dagaalweynihii labaad ee adduunka waddada u Sii xaaray | |
Dadyowga aqoonsada in xaqdarro lagula dhaqmay, xaqay u lahaayeen in degaan ku filan ay ku noolaadaanna laga duudsiiyey quus ayey moodaan is daba taagga hadba ruuxa madax ah ee ugu ballan qaada in uu xaqooda marindoono xataa, haddii dagaal lagu heli karo. Saddexda dal ee Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabaan way ka dul talaabsadeen dawladahoodii Baarlamaanada ku dhisnaa, waxaanay intii u dhexaysay 1919 — 1939kii dhisteen dawlado kelitashadayaal iyo xukun milateri garabsada.Dalka Talyaaniga dagaalweynihii koowaad markii uu dhammaaday baa dadku ka calool xumaaday dawladda Talyaaniga oon wax naf leh ka korodhsan dagaalka. Qaskii ka oogmay waxa uu fursad u siiyaa Benito Musaliini in uu unko xisbi ku caan baxay faashisti. 1922kii ayaa Musaliini madax uu ka noqday dawladdii Talyaaniga, isaga ayuuna xukunkii dalku gacanta u galay. Boqorka dalku wax awood ah muusan lahayn ee Taaj ayuun buu xidhnaa. Muusaliini waxa uu dadweynaha ka dhaadhacshay, haddii ay tusaalooyinkiisa raacaan in ay qaran sharaf iyo awoodba leh noqon doonaan. Dadka intii isku dayı da inay ka soo horjeestaan keli tashiga fashistiga waa la garaaci jiray, ama waa la xidhi jiray ama waaba la dili jiray. Dadka Jarmalku iyana waxay ka xumadeen go'aannadii ka soo baxay heshiiskii Feersaylis ee 1919kii. 1933kii ayaa Hitlar xukunka dalka gacanta ku dhigay isaga oo garabsaday Xisbiga Hantiwadaagga waddaniga ah. Hitlar waxa uu sugtay kelitashi, dalka Jarmalkana hub cusub ayuu ku gaashaamay wuxuuna u guntaday in uu Yurub ka dhacsado dhulkii Jarmalka lagaga qaaday heshiiskaas. Jabanka iyagana Sida Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa dagaalkii koowaad cidhib reebkiisii aanu u raali gelin. Heshiiskii ciidammada badda ee Washington lagu qabtay 1921 — 22kii waxaa Jabaanka lagu faray in marka Maraykanka iyo Ingiriisku midba goonidiis u samaysto shan markab, Jabaan ay samaysan karto saddex. Taas waxa Jabaanku u qaatay yzsic. lyada oo aanay raali ka ahayn Jabaan waxay oggolaatay heshiis qirayey sharafta iyo madaxbannaanida dalka | |
Shiinaha, inkastooy ku doodaysay tigaadleyda Manshuuriya inay qabsato. Jabaan inkastoy ahayd dawlad ku dhisan habka Baar la,maanka. misana madaxda ciidammada ayaa iyaga oo bahaysanaya madaxda han tigož- satada qorsh in ay dalweynaha Aasiya weerar lagu qaado. dawladaha Hantigoosiga ah aya sababay in Jabaan, Talyaaniga iyo Janr; av sugtaan xukun Milatari oo keli tashi ku unkan, si ay ula ey u tirinayeen inay meelaysteen sadbursi dhaqaale, du noolaansho. Dawladahaasi kale waxay isku deyayeen in dagaal ay uxayna heshiisyo iyo balianqaadyo ku sabi jireen madaxda Jarmalka, Jabaanka. ujeeddo ee xagga siyaasaddiisa agu mudnaa waxay ahaayeen in adka darrna\ka ah oo dhan mideeyo isla markaasna u meeleeyo 00 uu Bariga ka degaan dadka Jarmalka noolaansho ugu filan, Taasi waxay suurtoobaysay Ruushka iyo Bolishka uu muquunsho. Ulajeeddadiisa hore waxay lid ku ahavd heshi*3kii Feersaylis waxaanay ka hor jeedday siyasadda Farans oo u jeedday inay koobto dawlado iyada la heshiis ahna ku waageerto. Ulajeeddada Hitiar qaarkii waxay ula muuqanaysay mid caqli gal ah. Maxaayeelay dalka Ostarrn deggani Jarmal buu ahaa Jikoslafakiyana dad badan oo Jarmal ah baa degganaa; heshiiskii Feersalis laftiisuna waxaabu ku unkanaa fikraddii VVilson ee «Aayetashiga» Ummadaha. Ulajeeddadiisa labaadna nabadda ayey halis geiinaysay hase ahaatee Hitlar waxa uu ku hadoodilay heshiis nabad gelyo uu la saxiixday dalka Boolishka 1934kii. Shan sano ka dib ayaa Hitlar qorshihiisii oogta ka caddeeyey. Ho r tiiba markii uu xukunka la wareegay ayaa Hitlar muujiyey nacaybkuu u ururrada nabadda. 1933kii dalka Jarmalka waxa uu ka saaray ururka Ummadaha iyo wada hadalladii dhimista hubka ee Janeefa dabadeedna 1934kii ayaa dalka Ostariya ay shirqooleen madaxdii dalka Doorfus iyagoo isku dayayey in Ostariya ay ku daraan dalka Jarmalka, Ololahaas «Ururkii Anshalus» muu hirgelin maxaa yeelay ninkii xukunka qabtay ayaa markiiba Ostariya xasiliyey. Muusaliinina ciidammadiisii ayuu soohdimaha Ostariya ku dulfuray. | |
Dadka Talyaaniguna ma oggolayn in Jarmalku dalkaasi uu qabsado, maxaa yeelay qaybo ka mid ah ayey ku doodayeen. Hitlar mar kastaba waxa uu hadalladiisa ku muujiyey in aanu marnaba oggo\ayn heshiiskii Feersaylis. 1935kii waxa caddaatay in uu ciidanka cirka iyo xoogga dhulkaba uu dhisma hor leh ku bilaabay. Madaxda siyaasadda ee reer Yurub way ku wareereen talaabooyinkaa Hitlar uu qaaday. Faraans gaar ahaan nabad sugiddeedii bay u baqday. Arrimaha gudaheeda ka taagnaa ayaana anfariir ku riday. Waxa dhexdooda iska hayey Shuuciyiinta iyo Hantiwadaagga oo dhinac ka soo wada jeeday iyo fashiistada iyo hantigoosiga oo dhinaca kale ka soo wada jeeday. Dadkii dagaalweynihii kaga dhintay umay soo bedin korsocod dhalasho kor u kacaysa sida dalalka kale, tirada dadka dhalinta ihina aad bay u yarayd. Dagaal kalooy gashaana sinaba umay rabin. Dawladda Faransiisku maraaksi digtoon bay rabtay inay dagaal uga nabad gasho. 1920kii waxay heshiis la saxiixatay Juguslafaakiya, Roomaaniya iyo Yugulaafiya si ay uga gargaaraan haddii Jarmalka ay dagaallamaan. Ciidammada Milatariga ee Faransiisku waxay soohdintooda ka dhiseen gaashaandhig ka samaysan sabbad iyo bir, waxay abuureen hurin Farans weerar ka nabad gelinaysa. Hase ahaatee mashruuc qaab daran ayuu ahaa. Mashruucaasi oo lamagac baxay xariiqdii magnot waxa uu ka dhignaa kadin aan dayr iyo sarsar lahayn. Dad tirsan oo ka mid ah madaxda ciidammada Faransiiska uu Jarles Diigol ka mid ahaa ayaa soo jeediyay in dagaalka labaad ay ku guulaysan doonaan hadba ciddii Taangiyada sida dhakhsaha leh u socota haysta. Fiiradaasi diigol dheg looma dhigin Faransana waxa ka luntay dareenkii weerarka. Dadka Biritayn laba siyaabood bay talaabooyinka Hitlar u arkayeen. Dad badan oo Ingiriis ahi waxay qabeen in heshiiskii Feersaylis uu dadka Jarmaika xaqdarro ku ahaa. Hitlar baaqiisii in 100 soo cesho Raynland, dalka Ostariyana lagu daro dalwevnaha Jarmalka iyo in Jarmalka 100 oggolaado qalab iyo ciidan u dhigma dalalka | |
ay jaarka yihiin awooddooda, waxay dadka Ingiriisku u arkayeen arrin caqii gai ah. Ingiriisku waxa uu aqoonsaday in horumarinta farsamada dayuuradaha wax duqeeya ay halis gelin doonaan difaaca Jasiiraddooda. Sidaas Faransiiska oo kale ayey nabad sugiddooda u baqa qabeen. Sidaas awgeedna dagaal inay baajiyaan bay rabeen. Halkii uu Jarmalka ka cambaareyn lahaa Ingiriisku xiriir saaxiibtinnimo avuu u gudbiyey Naagiga. 1933kii Ingiriisku heshiis buu Jarma|ka la galay u fasaxaya kordhinta ciidamrnada badda ee Jarmalka. Muusaliini hortii iskumay wanaagsanayn Naasiga. Waxa uu ka xurnaa Naasiaa oo ku dayanayey habdhiska fashiistiga, aragtida midabka ee Hitierna fiiro aan micne lahayn buu u qaatay, Hitlar laftiisana waxa uu u haystay ruux waalan. Tatyaanigu waxa uu diiddanaa Jarmalka oo qabsan rabay qaybo dalka Ostariya ka mid ah oo Talyaanigu ku doodayey; qaybahaasi oo Talyaanigu dagaalkii koowaad u dagaal galay, hase ahaatee heshiskii Feersaylis uu ka duudsiyey, Tatyaaniau waxa u;..j ka xumaaday heshiiskii Jarmalka iyo Ingiriiska dhexmaray oo lid ku aha qodobbadii heshiiskii Feersaylis. 1935kii Muusaliini wada hadallo uu ku qabtay "Istaresa» waxa uu ku raadin rabay Isbahaysi uu la samaysto Ingiriiska iyo Faransiiska. Nasiibdarrose duulaankii uu Musaliini Abasiiniya ku qaaday bishii Oktoobar 1935kii, ayaa dalka Ingiriiska qas ka oogay, maxaa yeelay weerarkaasi waxa uu u muuqday in uu halis u yahay dhulgumaysiyada Ingiriisku Afrika uu ku leeyahay. Dawladda Ingiriiska waxa la gudboonaatay in tallaabo deg deg ah ay qaaddo. Wada hadallo qarsoodi ah oo ay yeesheen madaxda labada dawladood ee Ingiriiska iyo Faransiisku waxay ku heshiiyeen in la koobo dalka Talyaaniga qabsa• day. Hase ahaatee, markii la maqlay heshiiskii "Hoare-Lacal" dadweynaha ingiriisku way cadhoodeen oo waxay u qaateen in dawladdu gardarrada Talyaaniga isu dhiibtey. Markaasi ka dib ayaa dawladdii iskaga hadhay fulinta arrintaasi | |
Talyaanigu dalka Abasiiniya ayuu qabsaday, dawladda Ingiriisku siyaaso qallafsan bay kala hortagtay oo Muusaliini ku qasabtay in uu dhoweysto Hitlar. Ururka Ummaduhu waxa uu guddoonsaday in Talyaaniga laga cuna qabateeyo waxyaabaha dibedda uga yimaada. Markii Ia isku dayey in saliidda Ia shito laga cunaqabateeyo, Hitlar baa dhuxusha Ia shito u diray. Tallaabadaasi waxay noqotay tii ugu horraysay ee labada kelitashade isu soo dhowaysey. 1936kii waxay abuurteen isbahaysi Ia magac baxay Heshiiskii Rooma iyo Baarliin. Intii u dhexeysay 1936 — 39kii, Iskaashigay u yeesheen gargaarkay u fidinayeen Faraankoo intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Isbaanishka ka socday ayaa isu soo dhoweeyey. 1939kiina waxaabay wada galeen «Heshiiskii Xadiidka Hitlar ciidammadiisu bishii Maarso 7dii 1936kii ayey ku duuleen Raynland. Tallabadaasi waxay lid ku noqotay heshiiskii Fersaylis iyo Lokaarno. Isla markaasna ciidammada Jarmalku lixaad weyn may lahayn, halis ayuuna gashay. Waxay amar ku haysteen in dib ay u soo gurtaan haddii ay askarta Faransiisku dagaal bilaabaan ciidammada Faransiisku kuwo isku dubbaridan may ahayn, dawladda Faransiiskana waxay ka raarideen xoogga Faransiisku inaanu weerar geli karin. Ingiriiska arrintaas Jarmalku uu ku kacay lxtijaaj buu ka dhiibtay, hase ahaatee wax intaa dheer may qaban. Dadweynaha Ingiriiska ah waxaa bay Ia ahayd in Jarmalku xaq u lahaa in uu Oddiisa cagta dhigo. Waxaanay ku baaqeen in waqtigii uu yimi Ia daaweyn lahaa gefafkii heshiiskii Feersaylis uu meelmaray ayna habboon tahay in si xaq ah arrinta Y urub 1001a meel dhigo Hitlar. Dad tiro yar oo Winistan Jeerjiil uu ka mid yahay ayaa diiddanaa sida arrintaasi loo qaatay; intii ka dambeysay 1918kii markii ugu horraysay bay ahayd ee dhibaatada Y urub ka taagan xoog lagu furfuray. Xagga Milateriga in Faransiiska laga qabsado Raynland mid difaaceeda dhaawacaysay bay ahayd. Jugoslaafaakiya arrintaasi way ka gilgilatay. Jugoslaafaakiya markan dalweynaha Jarmalka ayaa ku wareegsamay. | |
ay heshiiskii Feersaylis. Ingiriiska iyo Faransaba waxay ku dirqiyeen Juaoqiafaakiva in qaybtaas dhulka ah ee Jarmalku sheeganayo ay celiso. Hase veeshee cgwiacjda Jugosiafaakiya weydiiday. | |
vaaqadii 1939kii madaxda ciidammada Naasigu waxay d ugu duuli lahaayeen. Hitlarse dalka Midowga Soofimoaayaarkii saarka qayb dalka Boland ah baa gacanta waxa uu aqoonsanaa in Istaliin aanu oggolaan doonin üaik¿t Midowga Soofiyeetku sinaba ugama raali ahayn waxanu heegan u ahaa in Jarmalka uu dagaal kala hor MCi qon !ahayd in Ingiriiska iyo Faransiisku la soo safauu isku dayey in reer Galbeedka u heshiis la galo uu dalaika u dhexeeya Badda Baltic iyo tan madow, haddii yaaa sidaas ku ballan qaadaan, hase ahaatee, madaxda Faraans waxay ka cabsi qabeen gacan saar ay dawlad ntaas waxa dheeraa in dalalka Midowga soofiyeetigu uu ku ballan qaaday in uu ilaaliyo qaarkood, gaar ahaan dalka Boland ay Ruushka laftiisa iska eegaysay. Sidaas awgeed ayaa arrintaas uu Istaaliin watay u hirgeli wayday. Hitler fursaddaas ayuu ka faa'iidaystay. Inkastoo uu beryihii hore shuuciyadda si foolxun u caayey una cambaareeyey misana markan waxa uu u fidshay heshiis saaxiibtinnimo iyo gardarraysi la'aan. Jarmalkana waxa u suurtowday in soohdin uu ka difaac geli karo uu yeesho. Foodsaaro gaashaaman buu Jarmalku halkaas ka dhistay oo la magac baxday xariiqda siigfiriidh. Sidaas awgeed Faransiisku waxa uu ka faquuqmay bahdiisa Bariga Yurub. Dadka qaarkii waxa bay la tahay in 7dii Bishii Maarso 1936kii ay tahay bilowgii dagaalka. | |
Sannadkii 1937kii ayaa Jaambarleyn dawladda Ingiriiska u noqday Madaxa Wasiirrada. I laa waqtigaasna dalka Ingiriisku siyaasad u go'an xagga arrimaha Yurub may lahayn. Jambarleyn waxa uu isagu la yimi siyaaso u go'an waxay la ahayd in qaska Yurub ka taagan uu sababay heshiiskii Fersaylis, Hitlarna waa buu u garaabay markii uu ku andacooday in waka uu rabaa ay tahay Khaladkii 1919kii oo uu daaweeyo. Markaasi Jambarleyn waxa uu raadin rabay in tigaalada Hitlar heerkay ku siman tahay, dabadeedna uu heshiis kama dambeyn ah la galo. siyaasaddaasi waxay la magac baxday Siyaasaddii maslaxa ama sasabashada (Policy of Appeasement). Hase ahaatee Jambarleyn waxa aan u muuqan Hitlar in uu yahay nin seef la bood ah. Heshiiska sida uu Hitlar u qabay wUxUU ahaa in uu horta hanjabo, xoogsheegto sida uu rabana arrinta loo sugo. Hitlar himilooyinkiisii uu ku muujiyey kitaabka Miinkaaf dar aan xad lahayn bay ahaayeen. Bishii Nofembar 5dii 1937kii waxa uu sarreeyaha ciidanka Jarmalka u sheegay in uu arrinta Jarmalku dhammayn rabo weerar uu ku qaado Ostariya iyo Jugoslafaakiya. Siyaasaddii Jambarleyn hortiiba mid aayo la' bay ahayd. Dalka Ostariya dad tiro badan oo Jarmal ah ayaa rabay inay dadweynaha Jarmalka ku biiraan. Dalka Jugoslafaakiya Jarmal saddex malyuun dhan baa ku noolaa qaybta Sudelenland. Haddii Naasigu ay ku guubaabin lahaayeen dadkaasi inay kacaan oo ay gadoodaan, ayna codsadaan inay ku biiraan dalweynaha Jarmalka, Hitlar marmarsiinyuu u helilahaa Jugoslafaakiya uu ku qabsado. Dalka Ostariya hortiiba Jarmalka Naasiga ahaa ayaa codsaday midnimo iyo israac 'Anschluss. Toddobaad isdaba joog ah ayey gadood oogeen. Ostariya waxay isku dayday in Jugoslafaakiya iyo Yugoslaafiya ay gaashaanbuur isu bahaystaan, bishii Maajo, 1 938kii, Hitlar arrintaas waa uu diiday waxaanu ku qasbay Ostariya nin Naasi ahi inuu xukunka qabto. Ninkaasi isaga ah ayaa dhiirrigeshay in qaskii uu sii oogmo,ciidammada Jarmalka ayuuna markii dambe codsaday in ay dalka soo galaan si ay xasilooni u sugaan. Toban cisho | |
Maxaynu hadda yeelnaa Gooring baa jawaabay oo waxa uu yiri; Haddii aan dagaalkan weyno alla hayna caawiyo Dirxiilayaashii Miyuunikh ayaa libaaxyo isu rogay. | |
Siyaasaddii ku dhisnayd in maslaxo lagu dhammeeyo gardarrooyinkii iyo dhul durugsigii Jabaanka, Talyaaniga iyo Jarmalka waxay ka muuqatay kaalinta xoogagga reer Galbeedka iyo ururka ummaduhu ka ciyaaray dagaal tolkii Isbaanishka. Bishii Juulay 1936kii ayaa dagaal tol ka oogmay dalka Isbayn. Muddo ku eg siddeed sano ayaa xukunkii keli tashiga ee Biriimo dii Rifeera uu cadaadis xoog leh ku hayey dhaqdhaqaaqyo kacaan ah (1923-31 kii), hase ahaatee 1931 kii ayaa kacaan muddo dheer la dhowrayey ka dhashay dalka Isbayn. Distoor Jumhuuri ah oo soo baxay Bishii Disembar 8dii waxa uu dhigay in hantida Kaniisadda la toleeyo, diinta in aan lagu dhigin dugsiyada iyo in la iska dhaafo amarada diinta ku lug leh. Nimanka Jamhuuriyadda Isbayn ka dhisay waxay Kaniisadda u arkayeen gacanta ugu weyn ee meelaysay xukunkii kelitashiga, hase ahaatee, weerarkaasi ay Kaniisadda ku qaadeen dadweyne badan oo la jiray ayaa kaga leexday. Jamhuuriyadda Isbayn ka dhisantay waxay qorshe u gashay sidii dhulka loogu qaybin Iahaa dadweynaha beeralayda ah. Isla markaasi waxay isku dayday in awoodda ciidammada ay koobto, maxaayeelay madaxda xooggu waxay ahaayeen gacanta labaad ee Taliska kelitashiga. Madaxdii siyaasadda ee Jamhuuriyadda dhisay waxay colaad ka muteen saddex qaybood oo awood hidaysi ah leh. Culimada diinta, dhulgoosatada iyo taxamaamulka ciidammada xoogga. Madaxda siyaasadda ee horusocodka ahaa waxay abuurteen hurin ka kooban Shuuciyiin iyo Hantiwadaag sidaas awgeedna waxay ku guulaysteen doorasho Bishii Febraayo 1930kii la qabtay. Saraakiil Ciidammada ka mid ah oo uu hoggaaminaayo Sarreeye Guud Faransisco Faranco ayaa ku kacay Jamhuuriyaddii. Ciidammadu waxay gargaar ka heleen qaybihii kale ee iyana taliskii Jamhuuriyadda diiddana. Waxaanay noqdeen tirrkii shanaad ee ku biiray afartii guuto ee ciidammada ahaa ee ka baxay magaalada Madrid Bishii Julay. Waxay askartu filanaysay guul dhakhsa leh, hase ahaatee, sutida ayaa loo qabtay. | |
Hortiiba askartaasi fallaagowday oo la magac baxay waddaniyiinta, hub, rasaas, dayuurado iyo gargaar milateri bay ka heleen Jarmalka iyo Talyaaniga. Midowga Soofiyeetigu isaga oo ka cabsi qabay Jarmalka oo gaashaantay, ayu ku biiray ururka Ummadaha 1934kii. Midowga Soofiyeetigu waxa uu rabay in Jamhuuriyiinta Isbaanishka uu ka gargaaro weerarka iyo xoogagga fashiistadu ku qaaden. Dawladaha Faransiiska iyo Ingiriisku waxay weli meelaynayeen siyaasaddii maslaxadda. Dawla daha oo dhan waxay ka codsadeen in ay ka noqdaan dagaalka sokeeye ee Isbaanishka farahana aanay la gelin, iyaga oo isla niarkaa ogsoon in Hitler toban kun oo askar ah uu u diray waddaniyiinta, Muusaiiinina in ka badan boqol kun 00 isugu jirta askar fashiista ah iyo Farsamoyaqaano. Ciidammada cirka ee Jarmalka ayaa gacan weyn siiyey askartaasi afgambiga rabtay, oo si joogta ah u duqeeyey magaalooyinka ay Jamhuuriyiintu haysteen. Jarmalku waxa uu goobahaas ku muujiyey awoodda sare ee cirka. Isbayn markani waxaabay noqotay goob ay fashiistada Jarmalku hubkooda iyo tabaha dagaalka ku tiiaabshaan Jamhuuriyiinta mar dambe ayaa Ruushku hub, taangiyo, dayuurado iyo niman aqcon u leh uu u diray. Soddon bilood ka dib ayaa dagaalkii ku dharnmaaday Sarreeve Guud Faranco oo libaystay. Bishii Maajo 1939kii waxa istaagay dagaalkaas ay ku nafwaayeen dad malyuun ku dhowaad ahi. Ciidammada Jarmalka iyo Talyaanigana waa laga daadgureeyey ka dib markay, Madrid, askartii Faranco u gacan gashay. Dagaalkaasi Isbayn ka oogmay waxa uu tilmaan u ahaa siday arrimuhu sugrneen rnarkii dambe. | |
Markii dagaalkii labaad ee adduunka bilowday Baariis, London iyo Berliin midina kumay riyaaqin. Qo|ona nabad may filanayn waqtigaas isaga ah. HitVarse waxa uu u hanqaltaagayey gul dhakhso leh. Jarrnalku waxa uu u fiigtay in dagaal uu u guntado. Laba nin oo wax qora oo kala ah Jaarlas Digool iyo nin Jarmal ah oo magaciisu yahay Hans Gudaryan ayaa waxay soo jeediyeen in cutub taangiyo wataa oo hubka Cull-IS adeegsanayaa ay jebin karayaan ciidan xarun joogta ah leh. Madaxda ciidanka Faransiiska ayaa diiday in ay qaataan fiiradii Diigool. Hase ahaatee madaxda ciidanka Jarmalku aragtidaasi ayey ku habeeyeen ciidammadooda. fiiradii Diigool waxa ay rumowday markii Jarmalku galay dalka Bolishka sannadkii 1939kii. Ciidanka Boland waxa u ahaa mid aad u tiro badan oo ku dhisan habkii dagaalkii koowaad, kuna gaashaaman dagaal galka dhufayska. Jarmalka ciidankiisa oo gaaraya lix guuto oo taangiyo wata diyaaradaha Bamka ridana ay taageerayaan ayaa ciidammada Boolishka tusay habka dagaalka Hilaacaya. Sannado hore ayaa Hitlar waxa uu yiri Haddii aan cadow weerar; rabo waa in aan si kadis ah sida hillaaca oo kale cadawga ka dul ifaa. Markan ciidankiisii tabtaasi ayey yeeleen. Muddo toban cisho ah ayuu cijdankii Bolishku ku baaba•ay. Bishii Sebtember 17dii Ruushka ayaa iyana weeraray gobollo ka mid ah Boland intaan bishu dhammaanna Boland madaxbannaani may jirin. Weerarkaasi kadiska ahi waxay ahayd in uu dhaliyo Faransiiska iyo Ingiriiska oo iyana nidaamiya ciidammada taangiyada, Hase ahaatee, muddo lix bilood ah wax dagaal ahi ma dhicin muddadaasi waxa lagu magacaabaa dagaalkii Beenbeenta; in kasta uu ciidanka Ingiriisku daanta Faransiiska u diray ciidammo, misana goob dagaal ay ka galeen may jirin. Inkastoo magaalooyinku ay ka cabsi qabeen in hawada laaa soo weeraro, misana wax diyaarad ah oo dagaal soo qaaday may jirin. | |
Qulqulada qudha ee dhacday waxay dhexmartay Ruushka iyo Finland. Dagaalka dhexmaray oo loo yaqaan dagaalkii Jiilaalka istaaliin waxa uu Finland ka samaysan rabay saidhig Militari. 1940kii dagaalkii waxa uu ku dhammaaday Finland oo la jabshay. Hiter waxa uu dhamrnavstirayay qorshaha dagaal galka, madaxda ciidankiisa talooyinkooda ayuu dhegaysanayey. Iyaga sida ay la ahayd ciidanka Badda sababta ugu weyn ee uu u hoobtay 1914-1918kii waxa ugu wacnaa Jarmalka oo aan lahayn xeeb fidsan taasina ay dhalisay in la hareereeyo. Haddii xoogga Jarmalku qabsado Denmark iyo Noorwey, doonyahoodu waxay ka dagaal geli kari lahaayeen xeeb fidsan oo gaashaandhig leh. Bishii Abriil 8dii 1940kii Hitlar arrintay codsadeen ayuu meelmarsahay. Ciidammada Jarmalka oo xagga hawada ku gacan sarreeya ayaa Sida hilaaca labadaas dalba u maray dabadeedna qabsaday. Ingiriisku waxa uu u muuqday dal aan cidina u ciidmi karin. Markii ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriisku isku dayey in uu ka hortago weerarrada Jarmalka, Jarmalku waxa uu ka dejiyey laba Markab oo kuwa dagaalka ah iyo mid kale oo qaada Dayuuradaha. Guuto uu Ingiriisku u diray in Norwey ay gargaarto ayaa Jarmalka ka qabsatay Norvik, hase ahaatee Bishii Juun ayey misana ka qaxeen. Jabkaasi Ingiriiska ku yimi waxay samirsiis ka dhigteen doonyo badan oo ay ciidanka Badda ee Jarmalka ka burbursheen. Hoobashada ciidanka Ingiríiska waxa lagu canaantay Jambarleyn. Hortiiba waa uu gefay; waxaanay la noqotay in weerarka Jarmalku uu ahaa mic khalad u dhacay, waxaanu Hitlar ku tilmaamay nin Baabuurkuu raaci lahaa ka tegay. Hase ahaatee dood ka dhacday golaha baarlamaanka ee Ingiriiska waxa Jarrnbarleyn lagu tilmaamay nin isagu ka hadhaybaabuurkii uu raaci lahaa. Waxa laga codsaday in uu is casilo | |
waana uu yeelay. Bishii May 10dii 1940kii ayaa Jerjil noqday Ra'iisai Wasaaraha. Jerjil waxa uu 1933kii intii ka dambeysay ka digay waxyaaba laga yaah') in uu Hitlar ku kaco. Hase ahaatee, waxa loo qaatay in uu yahay nin dagaal jece! Cidina kamay shaki qabin maskaxdiisa. yar baase u haysatay nin madax adag. Xaalku Sida uu ku ahaa Ingiriiska waayadii hore wuu ka duwanaa. Ingiriisku muu rabin nabad iyo qabooiiûE Jiiraankooda ayey nabadgelyo rabeen. Sidaas awgeed ayey Jerjil u doorteen. Jambarleyn nin dagaal muu ahayn, wax ksta oo uu yiraahdana sidaa may noqon karayn. Jeerjilse waxa uu ahaa nin daran. Saddex cisho markii uu ra'iisal wasaaraha ahaa waxa uu Baarlamaanka ku yidhi Anigu waxaan tacab, dhiig, dhidid iyo ilmo ahayn idiin ma hayo», hase ahaatee waxa uu ku ballan qaaday guul si kastaba ha lagu gaaro eh. Shaki kuma jirin in waxa uu yiri uu u je—ay. Ingiriisku markan waxa uu xilsaaray hoggaamiye hal adaygga Hitlar ugu dhigma. Kolkii uu xukunka qabtay ayaa dagaalkii run ahaan u bilowday. Bishii May 10dii Hitlar waxa uu furay weerar ku magacaabnaa Ololihii huruudda ahaa oo Jarmalku ku weeraray Holand, Biljin iyo Farans. Ciidammada Baarashuutka ayaa cirka ka soo degay, dabadeedna ciidammadii dalalkaasi daba ka meerteeyey oo baabi'iyey. Diyaaradihii Jarmalka ayaa iyana waddooyinka iyo magaalooyinkaba burburs hay. Ciidammada taangiyada ayaa u soo gudbay xariiqa Maginot ilaa ay gaaret'Ä n soohdinta Lugsanbeerj. Saddex cisho ka dib ayaa Ciidarnmada taangiyada ee Jarmalku ka gudbeen Sedan . Dabadeedna waxa av raaceen Godanka Soome ilaa ay gaareen Badda Abafiil, halkaasna waxay ku go'doomiyeen ciidammadii, Ingiriiska iyo Faransiiska ee u soo gurmaday dalka Biljimka. Dhawrtoddobaad ayey isku dayen in ay u jilib dhigaan ciidanka Jarmalka inkasta oo rasaasta iyo saliidduba ku yaraadeen. Ciidammadii Faransiisku dib ayey uga gurteen dagaalka Jarma'ka. Taliyihii ciidanka Ingiriiska Lord Gort waxa uu yaqiinsaday in gargaar ay helaan aanu nabad gelin karayn. Sidaas awgeed ayaa isaga oo amarkii taliska sare ee ciidanka Faransiiska diiddan uu dib ugu gurtay magaalada Dunkirk si markaasi askartiisu dalka Ingiriiska ugu baqo cararaan. | |
Markii dalka Ingiriiska laga ogaaday saymaha ciidankii Ingiriisku galay ayaa wax ala wixii badda dul maaxi kara oo dhan 100 soo diray si askarta 100 soo daad gureeyo. Askartii oo isdaba taxan oo xeebta iyo baddaba ku cag dhabanaysa ayaa hadba dul fuula doonyaha iyo wixii kale ee gargaarka loogu soo diray. In ku siman muddo lix cisha ah ayaa 300,000 oo askar Ingiriis iyo Faransiisba leh dalka Ingiriiska 100 soo daad gureeyey. Jeerjil sifaha askartaasi ku nabad gashay waxa uu ku tilmaamay Mucjisad. Faransiiskuse wax mucjisad ah oo cadowga ka nabad gelisa muu helin. Muusaliini oo aad ula dhacay guulaha dhakhsaha leh ee Jarmalku gaaray ayaa isna Bishii Juun 10dii 1940kii ku dhawaaqay in Faransiiska iyo Ingiriiska uu dagaal ku qaado. Waxa hubaal ahaa in dagaalku aanu mid dheer noqon karin. Saddex cisho markii laga joogay caddayntii dagaal galka Talyaaniga ayaa Baariis Jarmalka u gacn gashay. Ciidanka Faransiiska qorshaha dagaal galkoodu waxa uu noqday mid warqadda uu ku qoran yahay oo qudha ku kooban, maxaa yeelay, Faransiiska ciidankiisii guud oo dhami waa uu jabay, ka dibna sagaal cisho dabadeed ayaa Faransiiska, Jarmalku ku qasbay in ay saxiixaan heshiis nabadgelyo oo ka qaab daran kii Faransiiska laga saxiixay 1871 kii. Qaybta waqooyi oo idil Jarmalka askartiisa ayaa qabsatay. Dawlad Jarmalku ku adeegsadona Koonfurta ayaa laga dhisay. Nin askarta Faransiiska ka mid ah "Diigool" ayaa xammaasadii Faransiiska lagu yiqiin ku hadlay. Markii uu London ku degay ayuu caddeeyey in Faransiisku uu ku hoobtay goob eese aanu ku hooban dagaal galka. Diigool waxa uu ku dhaqaaqay sidii uu u habayn lahaa ciidan Faransiis ah. Hitlar waxa uu u qaatay in dagaalkii dhammaaday, waxaana uu Ingiriiska ka dalbay nabadgelyo. Waxa lama filaan ku noqotay in Jeerjil ku diido nabadda. | |
Weerarkii Biritaya Jeerjil khudbad u dadweynaha Ingiriiska u jeediyey waxa uu ku muujiyey mintidnimada dadka Ingiriiska laga rabo in ay la yimaadaan. Dadkii si niyo san ayuu ugu soo qulqulay warshadaha waxayna naftooda u hureen dalka. Waxa la qoray ciidan lagu magacaabay difaaca guriga oo diyaar u ahaa in ay wixii gacanta ay ku dhigaanba ay ku dagaal galaan. Dadka Ingiriisku qiireqiire ayuu galay iyaga uun baana is bixin karayey. Dayuurado ay ku dagaal galaan ayaa baahidooda ugu weynayd. Isaga oo dhiirrigelin iyo kalsooni ka helay Gooring (Goering) kuna ballan qaaday guul dhakhso ah, ayaa Hitlar Bishii Ogosto 13dii, dalka Ingiriiska dayuurado ku soo weeraray si ay ugu suura gasho in dabadeed baddana uu ugaga soo duulo. Dagaalka Biritayn oo markaa bilowday waxa uu noqday mid aad u kulul. Maalinba maalinta ka dambaysa ayaa cirka koonfurta Igland uu u noqday duuliyayaasha Jarmalka iy Ingiriiska goob ay isku haleelaan. Dadku waxay arki jireen widhwidhka dayuuradaha cirka isku eryoonaya, ee midiba, midda kale rabto in ay riddo. Yaalaabaa waxa kale oo la maqli jiray guuxa dayuuradaha iyo qaraxa ka yeera mishigaanada. Kuwa iyagu ka qayb qaadanayey dagaalka waxay u ahayd dannan isugu jira baqe, niyo jab iyo hiyi kac. Saacado sugniin ay ku dhammaystaanna waxa u xigi jiray daqiiqooyin wareer gesha oo cirka ay isteerinka qabashadiisa iyo qaylo, digniin, dhaar iyo amaro ay hadba ka maqlaan hadal tebiyayaasha dhegaha ugu jira. Qaarkood nabadgelyo ayey dalkooda ugu laabmi jireen. dhimash had iyo jeer wehelkooda eyey ahayd. Markii dagaalku dhammaaday nin duuliyayaashii ka mid ahaa waxa uu sheegay in saaxiibbadiis oo dhan uu waayey, waxaanu ahaa saddex iyo labaatan jir. Duuliyayaasha in yar oo ka mid ah ayaa duuliyayaal dagaal ahaa. | |
Badankoodu waxay ahaayeen niman aan milateriga hore ugu jirin. Raggaasi waxa la gudboonaatay inay dagaallanka bartaan, baqe u joogna ahaadan. Nin ka mid ahaa duuliyayaashii Ingiriiska ugu sitay waxa uu qoray «Markaan dagaalka ku jiro lugta bidixda ayaa baqaha aan qabo awgeed i gariiri jirtay. Waa aan iska bi'in kari waayey Duuliyayaasha Jarmalka iyo kuwa Ingiriiska midkoodna muu aqoonsanayn, qiimaha dagaalka, manay ogayn cidda libinta helaysa. Ingiriiska waxa caawiyey raadaarka oo u suuragashay in diyaaradahoodu gegidooda ku diyaar noqdaan ilaa inta uu sheegayo soo gelidda cadawga. Waxa laga yaabaa in Jarmalku dagaalka ku guulaysan lahaa haddii weerarrada ay ku ekeeyaan gegooyinka dayuuradaha iyo goobaha Raadaarada, halkii ay magaalda London Bamka kala dhacayeen. Diyaaradaha Ingiriiska Herkaynis iyo Isbitfaayiris way ka fududaayeen kuwa Jarmalka. Inkasta oo kuwa Jarmalku ka dheerayn jireen kuwa Ingiriiska. Waxaase hubaal noqotay, in maalinba maalinta ka dambaysa uu ciidanka dayuuradaha ee Ingiriisku dhaawaca la gaarsiiyo mid ka laxaad weyn uu ku ridayey ciidanka Dayuuradaha Jarmalka. Bishii Sebtember 17dii, 1940kii Hitler waxa uu dib u dhigay qorshihii weerarka dalka Biritayn. Dalka Ingiriiskana ciidan lexaad Iihi muu nabadgelin ee waxa nabadgelin u sugay dhawr kun oo duuliyayaal ah. Dalka Biritayn waxa uu isu diryaarshay dagaal qaraar. Habeen walba diyaaradaha Jarmalka ayaa London iyo magaalooyinka kale ee waaweyn Bamam ku rida. Ingiriisku isna waxa uu dhisay diyaarado meelo aad u durugsan bamam ku soo ridi kara oo markii dambe kumanaan ka mid ahi ay weerar ku qaadeen dalka Jarmalka. Xeebaha iyo degaanka ku dhow oo dhan miinooyin ayaa lagu aasay, waayerona waa lagu wareejiyey waxaana lagu gaashaamay Banaadiiq. Cuntada oo la isu qiyaaso, bamamka magaalooyinka lala dhacayey iyo mugdiga habeenkii ayaa Biritayn ka dhigay dal darxumo soo food saartay. | |
Goobaha dhulka la iskaga horyimi dalka Biritayn wey ka durugsanaayeen. ciidammada Muusaliini waxay ahaayeen dad qalab ilxun wata. ciidankiisa baddu ma wadan dayuurado sidaas awgeedna weerarradii dayuuradaha Ingiriisku ku qaadeen Taranto ayaa ciidanka Badda ee Talyaaniga lagu curyaanshay. Ciidankiisa kale Taangiyo tiro badan ma lahayn gaadiidka Baabuurtuna wUU ku yaraa. Masar iyo dalka Giriigga oo ay ku duuleen, labadaba waa lagu jebshay. Markii Giriigga Talyaanigu dib ugu riixay Albaaniya, ayaa Jarmalka ay qasab ku noqotay in uu Yugoslaafiya qabsado si Talyaaniga uu ciidammo ugu dirc. isla markii ciidan Ingiriisku dal ka Giriigga u diray waa laga adkaaday, degaankaasna waa laga saaray. Hase ahaatee, dhinaca Masar, Ingiriisku intuu taangiyadii uu heli karayey oo dhan isu soo ururshay ayuu ciidammadii Talyaaniga burburshay kumanaan askartii Talyaaniga ka mid ahna way isdhiibeen. Imbraadooriyadii Talyaanigu Afrika ku lahaana afka ayey u dhacday. Mar labaad ayaa misana Jarmalku u ciidmay Talyaaniga. ciidammadii Jarmalka ee gaar ahaan u qaybsanaa Afrika oo Roomeel uu hoggaaminayo ayaa Ingiriiska dabada uga wareegay, Masarna dib ugu riixay. Dagaalkii waxa uu u ekaaday mid aan dhinacna u dhacayn. Hitlarse isga oo xaal halkaas marayo ayuu gefay, Faransiiska, Boolishka, Yugoslaafiya iyo Giriigga si hawl yar ayaa Jarmalku ku qabsaday„ Yurub markan cagtiisay ku hoos jirtay. Waxay u muuqatay in hiyigii Jarmalka ee ku jeeday in bed lagu noolaado uu xagga Bariga ka helaa ay u rumowday. Bishii Juun 22dii 1941 kii ciidammadii Hitlar waxay jebsheen heshiiskii | |
1939kii. Dalka Ruushkana duulaan ayey ku asqaysiiyeen la magac baxay ololihii Barbaroosa. Ciidanka Ruushku umay muuqan xoog haybad leh markay Finland la dagaallameen. Madaxdii ciidanka Naasiguna waxay filanayeen in sifihii ciidammada Faransiisku u dumeen u ciidanka casina u dhabar jabo. Jarmalka malahoodii waa uu rumoobay markii hore. Ciidanka soofiyee- tigu waxa uu ahaa mid aan tababar qabin si hufanna aan u gaashaanayn. Saraakiisha ciidankooda cirkuna waxay ahaayeen kuwo laga tegay Banaadiiqda iyo hubka culusna waxaaba u jiidaayay fardo ama cagafcagafyo. Muddo dhawr bilood ku siman ayaa Jarmalku ciidankii Ruushka uu maskaxdooda jaray waxaanay qaadeen toobiye ku rida Leningaraad. Moosko iyo Kiif, malaayiin askartii Ruushka ahayd ayaa lagu dilay ama iyaga oo la hareereeyay la qabqabtay. Oktoobar markii la gaaray ciidammada Jarmalku waxay hareero tubnaayeen Leningaraad Mooskana in yar ayey u jireen. Dad badan ayaa ka qaxay magaalo madaxda Ruushka xafiisyadii dawladdana waa laga baqa cararay. Istaaliin iyo la taliyayaashiisii ayaa kirimilinka ku haray. Markaasi dabadeed ayaa Jiilaalkii Ruushku soo dhacay. Ciidammadii Jarmalka oon hu' ku filan qabin ayaa dhaxantii asqaysiisay, Baabuurtii iyo taangiyadii iyana dhaxan awgeed bay isku dhegeen qaarna dhoobada ayey limbadeen. Ciidammadii Jarmalka dabadeed waa ay hakadeen, Ruushkuna waxa uu helay fursad uu ciidan laxaad leh ku dhisto. Xaalkii dagaalku markaasi ayuu weji cusub yeeshay. Aşkar, aad u tiro badan ayaa Beeraleyda laga soo qoray, warshado dhisnaa ayaa la kala dhigay oo is dhakhso ah loogu raray Buuraha Uural (Ural). | |
Dadweynihii reer Liningaraad si geesinnimo leh ayaabay magaaladooda u difaaceen, ciidanka cas ee Ruushkuna duulaan rogaal celis ah ayuu ciidanka Jarmalka ee Mooskoagagaarkeeda joogay ku qaaday Diisembar 6dii 1941 . Iyaga oo uu wato Sarreeye Sakhoof ciidammadii Ruushku cidhiidhi ayey gasheen ciidankii Naasiga, runtii waabaydul mari lahaayeen ciidanka Jarrnalka ah oo Hitlaramar ku siiyey inay dhintaan dibna aa.nay u soo guran. Tabtaasi mid joogta ah may noqon karayn. Bishii Jenwari 15dii i942kii ayaa Hitlar oggolaaday inay askartiisu dib ugu soo gurato goob gaashaaman oo la magac baxday hoyga doofaarka. Halkaas ayey ku abaadeen. gaajo iyo dhaxannina nafta u keentay. Markii kaliishu curatay ayaa misana Hitiar rogaai celis ku dhaqaaqay. Dhinaca Masar Roomeel ayaa duulaankiisa ugu soo gudbay Masar ilaa uu Aliskandariya konton mayi u jirsaday. Ciidanka lixaad ee Naasigu waxa uu weerar ku qaaday Kirim!iinka iyo ceelasha saliidda ee Kookayshiyan. Markanse dawladda Mareykanka ayaa dagaalka soo gashay ka dfru narkii Jabbaanku dakadda Biiral weerary. Iyada oo ay Warshadaheedu ka nabdoon yihiin duulaan cirka ah. Waxa u şuura gashay in ay gargaar u soo dirto isbahaysigas Xooggii Jarmalku markaasi ayuu wiiqmay. Ciidankii siddeedaad ee Ingiriiska oo qalab cusub ku gaashaaman, sarreeye gaas Moontgamarina uu hoggaaminayo ayaa Roomeel bishii Oktoobar ku weeraray Al Calamayn, dabadeedna Tuniisğya dib ugu riixay. Ciidanka lixaad waa uu qabsaday Istaalingaraad oo muddo shan bilood ah dagaai adagi ku dhexmarayey. Taako taako ayaa ciidammada Jarmalku isugu havvleen inay Istaalingaraad u qabsadaan, hase ahaatee, ciidammo soofiyeeti ah oo cusub ayaa weerar ku soo qaday Jarmalkiina hareereeyay. Intaan si dhab ah la isugu xeerin ayaa abbaanduulihii Jarmalku isku dayey in uu dib u gurto hase ahaatee Hitlar ayaa u diiday. Sidaa darteed ayaa askar 300,000 oo Jarmal ahi ku go'doontay Istaalingaraad oo burburtay, iyaga oo ku nool hilibka fardaha dhar dhaxanta ka celiyana aan gashanayn. Ruushku ma | |
Labadaasi Jabniin ee askarta Jarmalka ku timid dagaalkii ayey weji cusub u yeeleen. Ciidanka cirka ee Jarmalka waa la nıuquuniyey. Dagaalkii badweynta Atlantigga ka socday, maraakiibtii Jarrnalka ayaa 'agu daadiyey qaarna dekadaha ayaa lagu burburshay. Doonyihii Jarmalka waxa si joogta ah weerar ugu hayey dayuuradaha ingiriiska oo adeegsanaya Raadaro. Maraakiibta Isbahaysiga Mareykanka ayaa beddelayey hadba inta la dejiyo ama la burburiyo. Hadh iyo habeenba magaalooyinka Jarmalka iyo Warshadahooda iyana Bamam ayaa lala dhacayey. Dawladihii la jiray Jarmalka qaarkood waxay ahaayeen dad taag daran sida Talyaaniga, Roomaaniya, Bulgeeriya iyo Finland ama way fogaayeen sida Jabaanka. Jarmalka waxa ka soo horjeeday xoogagga Mareykanka. lwbaraadooriyadda Ingiriiska iyo Midowga Soofiyeeti sidii imbaraadooriyadii Jarmaika ee hore ugu khatalantay inay la dagaallanto dalal badan ayaa markanna Jarmalka Naasiga ahi isugu dayey in uu hafiyo dawlado ka tiro badan. Jabniin ayaa Jarmalka hurranaa. Isbahaysiga oo heshiis nabadeed ay la saxeexdaan ayuunbaa Jarmaika sabato saari lahaa, hase ahaatee Jeerjil, Ruusfelt iyo Istaaiiin midna ma rabin in 1.1 1.1 sidaas falo. Bishii Nofembar 1942kii ayaa ciidammo ingiriis iyo Mareykanka isugu jira oo uu hoggaaminayo Aysanawar ayaa Alieeris iyo Marooko ku degay, haikaasna ku muquuniyey ciidammadii Roomeel Bishii Juulay 1943kii ciidammadaasi oociidankii saddexaad ee Montgamri ku soo biiray ay ku duuieen Sisili. Ciidammo Talyaaniga ka falaagoobay ayaa Muusaliini xirayj dabadeedna abuuray daw!ad goosatay inay işbahaysiga ku biirto„ Hase ahaatee dalka badankiisa ciidanka Jarmaika ayaa faraha ku hayey, dad Talyaani ah oo badannina Muıısaliini ayev barbar taagnaayeen„ Ciidammada cirka ee Jarmalka, ayaa Baarashuut ku soo degay dabadeedna si geesinnimo leh u madax furay Muusaiiini. | |
Waxa markaasi la geeyeywaqooyiga dalka Talyaaniga oo uu ka dhisay dawlad la magac baxday Jarnbuuriyadaa Salo- Iyaga oo Talyaanigu labada dhinac u kala dagaallamayey r-nisana Jarmaika waxa u suurtowday in ay hakiyaan horusocodkii weerarka Isbahaysğga. Si kastaba xaalku ha u dhaco ee Jarmalku si daran ayuu gaashaanka agu dan-ıuray duulaankii isbahaysiga. Magaaiada Roomna waxay gacanta u cjashay ciioamrnada isbahaysiga bishii Juun 1944kii. Duulaankaasi si habsan bayna uga gaashaanteen. Ciidamnıadii Jabaan iyaga oo ku kalsoon weerarka midhway, ayaa davuuradil*üi Mareykanku soo dul hadhiyeen, Dayuuradaha Jabaan iyaga oo ka soo iaabtay weerarkii here, oo mid rogaat celis ah u gaashaamanaya una çalab qaadanayaı aanse weli duulin, ayaa dayuuradihii Mareykanku oo raabe raabe u socdaa soo dul hadhiyeen rnaraakiibtii dagaalka ee Jabaanka goobtaasna ay maraakiibtği dayuı,wadaha siday ku duqeeyeen kuna dejiyeen saddex ka mid ah. Markab afraad waxa Lju isna degay kadib markii uu mid kale oo Mareykanku leeyahay uu Dagaalkaasi midhwey ia isku halee;ay waxa uu weji cusub u yeelay dagaalka. Markii ugu dambaysay ee c.iidan Jabaarş ah oo xooggani uu weerar soo qaado halisna gesho ciidammada isbahaysiga ayey ahayd. Tan iyo intii goobtaasi ka dambeysay, dayuuradaha iyo gujisyada Mareykanka waxa u suurtowday inay bil walba duqeeyaan Maraakiibta baayacmushtarka ah ee Jabaan. Markabkii wal ee Jabaan laga dejiyaaba wuxuu u ahaa halbowle la jaray. | |
Maxaa yeelay Maraakiibta ganacsigu waxay Jabaan u soo daad guraynayeen alaabta ay Warshadaheeda ku habayso. Sidaa awgeed Jabaan waxa lagama maarmaan u ahaa in xooggeeda baddu u gacanta sare lahaado. Goobtii Midhway waxa ay Jabaan u ahayd bilow dhammaaday, sidii Jarmalkaba ay Istaalingaraad ugu noqotay curis dhammaaday. Maraykanka dagaalka Yurub ka taagnaa ayaa aad ugu dheeraa, kan Bariga Fogse indho gaar ah ayey u lahaayeen qalab gaar ah ayey u dhisteen dagaalgalka badda hase ahaatee, si dhib leh ayey guul ku gaarayeen, Maxaayeelay, Jabaanku ninka isdhiiba waxay u qabeen qof aan sharaf lahayn. Sidaa awgeedna ninka Jabaanka ahi inkasta oo la jabsho isrnuu dhiibi jirin. Maraykanku Jasiiradda Gudaknaal si dhab yar ayuu ku qabsaday. Hase ahaatee, toddoba weerar oo rogaal celis ah ayey Jabaanku ku qaadeen Maraykanka, Jasiiraddiina dib bay uga qabsadeen, khasaare xoog lehna ciidankii badda ee Mareykanka ayey u geysteen. Ciidammada Maraykanku mar labaad bay soo weerareen ka dib markii dagaal aad u kululídhexmarayna Jabaankii ayaa laga qabsaday Jasiiraddii. Mintidnimadii askarta Jabaanka ayaa ka yaabisay Maraykanka cabsina ku beertay. | |
Ganacka Lee YT Jabaanka isgaarsiintii qalabka iyo hubka ayaa laga jaray. Ciidammada Ustareeliya ayaa ku horjoogay Jabaanka Kaymaha Ginida cusub. Bishii Nofembar 1943kii waxa Jabaanka laga saaray Jasiiradaha Jilbart, ka dibna Jasiiradaha Marshalas ayaa ciidan 100,000 ahi qabsaday. Bishii Juun 1944kii ayaa Jabaanka misana laga qabsaday Jasiiradaha Mariyans, Tinyaan iyo Guwaam,Jabaanka Bishii Oktoobar ayaa guuldarradii ugu weyneyd gaartay ka dib markii Makaartar oo ciidammo laxaad leh wataa uu ku degay Filibiin. Jabaanku in Filibiin uu waayaa waxaanay malaysan karin ayay ahayd. Maxaa yeelay ciidankooda Baddu dalkaasi ayuu ku maamul dhawri jiary jidadka badan ee 100 maro maxmiyadaha Dhajku Bariga fog ku lahaa. Haddii laga hantiyo Filibiin, micnaheedu waxa uu ahaa Jabaan oo wayda marinka saliidda la shito. | |
Weerarkii Normandi Galbeedka Yurub waxay u muuqanaysay mid ka xoroobaysa ciidammadii Naasiga. Istaa!jin, waxa uu hore uga codsaday Biritishka iyo Mareykanka in ay Jarmalka weerar labaad kaga furaan dhinac kale. Ciidammada Hitlar in xagga Atlantigga lagaga soo duulaase waxay ahayd arrin aad u adag oo halis ah. Sannado ayuu qaatay qorshaha weerarkaasi bishii Juun 6dii 1944kii, ayaa Maraakiib 5.000 dhami xeebta Normandi ku soo xirteen, ciidænmadiina xeebta cagaha soo dhigteen. Weerarkaasi fajiciso ayuu Jarkalka ku noqday. Waxay filanayeen in xeebta Jarmalka laga soo weeraro muddo dambe. Taliyaha ciidammadooduna Roomeet waxaabu booqasho ugu maqnaa xaaskiisa oo Berliin joogtay. Si kastaba xaat ha u dhaco eh ciidankii Jarmalka sutida ayaa ciidammadii Isbahaysigu u qabteen xeebaha qaarkood si dhib yar ayey ug degeen. dar kalena gawrac ka daran kii ka dhacay Galipoli ayaa ka qabsaday. Maalintii ugu horraysay 130,000 oo askari ayaa xeebta ku degay. Lix beri ka dibna tiradu waxay gaartay 326,000 oo askari. Tab iyo xeel toona isulamay hadhin isbahaysigu si ay weerarka ugu guulaystaan. Ciidammada Baarshuutka ku booda ayaa gudaha dalka Jarmalka ku degay si ay isgaarsiinta ciidammada Jarmalka u jaraan. Dekad ku meel gaar ah ayaa dalka Faransiiska laga dhisay si maraakiibtu ugu adeegsato. Dhuumo saliiddu soo marto ayaa badweynta, Atlaantig gunteeda la soo taxay, si saliid joogta ah Baabuurta, taangiyada iwm ay u helaan. | |
Dhuumuhu waxay saliidda si toos ah uga soo qaadayeen dalka Biritayn, ciidammada Jarmalka si door roon ayey isu difaaceen, ciidammada isbahaysigana umay suuragelin in ay wajahad furtaan ilaa Bishii Agoosto la gaaray, markaas oo ay Jeerborg qabsadeen. Dalka Jarmalka dagaalkii waxa uu ku noqday mid laba wajahadood leh. Hitlar, talo gudcur ayey ku noqotay. Dabadeed waxa uu amar ku baxshay in London lala dhaco Bamam. Hubabkaasi cusubi khasaare weyn ayey London ku rideen dad badanina way ku dhinteen, hase ahaatee, go'aankii dagaalka waxba kamay beddelin. Saraakiil ka tirsan ciidammada ayaa ka niyo jabay sida ammuuruhu u socdaan dabadeed waxaabay isku dayeen inay Hitlar dilaan. Bishii Julay 1944kii ayey Bam ku rideen Shandadiisii gacanta oo miiskiisa hoos tiilay. Mar xarunta shir lagu Iahaa ayuu Bamkii ku qarxay, hase yeeshee, Hitlar waxba kuma uu noqon. Ciidammadu mar ay Hitlar ka soo horjeestaan may joogin. Dagaalka sagaalkii bilood ee ugu dambaysay dalka Jarmalka waxa weerarro adagi kaga ekaayeen Bariga, Galbeedka iyo Koonfurta. Ciidammada isbahaysigu waxay wateen askar dar dar cusub qabta, Jarmalkase carruur iyo odayaal ayuun baa dadweynahoodii ugu badnaa. Dhinaca bariga ciidanka cas ayaa qabsaday Roomaaniya, Bulgaariya iyo Hangri. Xagga koonfurna isbahaysiga ayaa ku guulaystay qabsashadii dalka Talyaaniga. | |
Dhinaca galbeedna Aaysanawar ciidammadiisii ayaa horjoogto lexaad 'eh ka furay. Ciidammadaasi Maraykanku sida ay uga gudbi Iahaayeen webiga Rayn ayaa dhibaato ku noqotay. Bishii Sebtember 1944kii ayey isku dayeen inay webiga qaybtiisa Holand ku taal ka gudbaan, si markaasi ay horjoogtada Jarmalka u daba ka meerteeyaan. Ciidammada Baarashuutka ku booda ayaa ku degay Aayndhoofen, Naymegen iyo Aanhem hase yeeshee goobnaba kumay libaysan, Aanhem ciidankii Baarashuutku waxaabay ku degeen bartamaha laba ciidan oo isbahaysigu ka gudbinayeen webiga Raayn, waxaanay qabsadeen Aakhen oo noqotay magaaladii ugu horraysay ee dalka ay ka qabsadeen. Hitlar mar labaad ayay talo gudcur ka noqotay, dabadeedna go'aan uu ku khammaray ayuu goostay. Waxa uu isku soo duway siddeed iyo labaatan qaybood iyo wixii markaasi hub iyo qalab dalka ku haray, dabadeedna weerar ayuu ku qaaday isbahaysiga. Bishii Disembar 15dii 1944 iyaga oo garabsaday cimilo ceeryaani hadoodshay ayaa askar dhalin u badan oo Jarmal ahi jabsheen horjoogtadii ciidanka Mareykanka ee ku ekayd Ardemnes. Laba cisho ka dib siddeed mayl ayaabay u jirsadeen xarunta ciidammada Mareykanka. Mareynkanka waxa u suuragashay in ay ka soo kabtaan weerarkii fajiciska ahaa, dabadeedna bam ayey la dhaceen toobiyihii isgaarsiinta ciidammada Jarmalka. Jarmalku waxay ka dalbeen askartii Mareykanka ee fadhiday Baston in ay is dhiibaan, laakiinse, Mareykankii way diideen. Ka dib markii uu dhammaaday dagaalkji Bulo-Battle Bishii Janwari 1945kii Jarmalku goobtay markii hore joogeen ayey ku ekaayeen, waxaana laga dilay 120.000 oo askari. | |
Geesinnimo ka sabata saari karaysay in dalka Jarmalka la qabsada may jirin. Bishii 13dii Ruushka ayaa Fiyana qabsaday. Siddeed cisho ka bacdi waxay ku ekaayeen agagaarka Barliin. Bishii dhammaadkeedii ciidanka qaybtiisii lugta ee 69aad iyo kan Ruushka qaybtiisa 58aad ayaa ku kulmay Torgow. Dalkii Jarmalkuna laba gobol ayuu u qaybsamay. Hitlar maalmihiisii ugu dambeeyey waxa uu ku dhammaystay guriga madaxtooyada Jarmalka ee Berliin. Halkaas oo uu ku noolaa meel konton fiit hoos u qodan. llaa iyo intii la isku dayey in la shirqoolo Hitlarwaxa uu noqday nin Buka. madaxdiisu waaba uu gariiri jiray cagahana wuu jiidayey, gacantiisa bidixna naafo ayey ku dhoweyd. Waxa uu noqday nimaan sida wax u jiraan garan karin. Askarta waxa uu ku toogan jiray gefaf yar yar ah. Ciidammo aan gaashaandhig u suurtoobayn ayuu ku amar siinayey inay sutida qabtaan oo ay dhintaan. Amaro ayuu bixinayey lagu baabi'inayo magaalooyin dhisan, isaga oo diiddan in la qabsado. Aakhirkii markii uu ka war helay in Muusaliini ay dileen asxaabtiisii ayuu goostay in uu isna is dilo. Bishii Abriil 29dii 1945kii ayuu guursaday lifa.Buruun oo ahayd gabadh in door ah jeclayd. Subaxdii bishii Abriil 30dii ayuu Hitlar istoogtay. lifa iyada in kastoo tamuujad la siiyey misana sun in ay cabto ayey ka door bidday. Adeegihii guriga ayaa markaasi labadoodiiba kor u saaray, dabadeedna inta Batrool lagu shubay ayaa dab lagu qabtay. Goobalis isna inta uu ololkii salaantii Naasiga u taagay ayuu dabadeedna is toogtay. Bishii Meey 7dii 1945kii ayaa dalka Jarmalka bilaa shuruud is dhiibay markii labaad muddo ku eg soddon sano. | |
Dalka Maraykanka waxa u suurtowday in uu iska go'doonsho qaska Y urub ka oogmaayey. Heshiiskii Nabadgelyada ee ku magac dheeraa heshiiskii Fersaylis Maraykanku wUU diiday. Hase ahaatee, mid gooniya ayey Jarmalka kala saxiixdeen 1920kii. Madaxweynihii Maraykanka Harding waa uu diiday in ururka uu ku biiro. Dadka Maraykanku arrintaasi kamay yaxyaxin ee wayba ku farxeen. Waxay iyaga la ahayd inay ku nacasoobeen dagaalkii koowaad ee ay ka qayb qaateen. Waxay qabeen in aanu ahayn dagaal iyaga ka dhashay, dad badanna way ku waayeen, dhulna kamay korodhsan. Dagaalka laftiisana dayn badan ayaa ka raacay oo isba haysigu bixin kari waayey, ama ay bixinba waayeen. Dad badan aya hanfariir ka qabsaday dagaalkii hore, markanse waxay u fiigteen inaan mar labaad la khatalin.Marka 'a eeqo sida xaal ka yahay Yurub, siyaasaddaasi way aragti gaabnayd. Haddii Bariga tog ia fiirshana halis ayey ahayd. Jabaan intii ay Dalka cusuboonaysay tirada dadkeedu si lexaad leh ayuu u kordhay. 1852kii waxa dadkeedu tiro le'ekaa 27 malyuun. Jabaan waa dal aad u yar, sida darteed ayaa madaxda dalkasi u doonaysay in ay denaêi' dalweynaha Eeshiya. Taasi ayaana dhalisay in Jabaanku qabsado dalka Shiina h a, Ruushkana ay dagaal iskaga horyimaadaan. Waxa ay ka faa'iideysatay dalalká. reer Y urub oon tartan la gelin dagaalkii Koowaad. Waxaaba u suurtowday in dalka iinaha ay oggolaysiiso kow iyo labaatan qodob oo dalka Shiinaha ka dhigay gooo ay Jabaan ka duusho. dowlado Maraykan ah oo isdaba joogay waxay isku dayeen inay xoogga Jabaanka 'aba siyoodba u yareeyaan. Marka hore waxay ku adkaysteen in Shiinuhu aanay aqbalin koow iyo labaatanka qodob, ee Jabaanku ku soo rogey iyo in dawladaha uu saaxiibka la yahay oo idil dalka Shiinaha irridihiisu ay u wada furnaadaan. Jabaan arrintaasi may jeclaysan, hase ahaatee,kol haddii Maraykanku ka xoogganaa dalka Shiinahana uu la bah ahaa, Jabaan arrintay wadatay way ka gacma laabatay | |
Mar labaad, Maraykanku waxa uu isku dayey in xoogga badda ee Jabaan oo si daran u korayey la yareeyo. 1921 kii Shir guud 00 ciidammada badda loogu qabtay magaalada Washington waxa Jabaanka lagu qasbay inay koobto tirada Maraakiibta dagaalka. Waxa la gudoomay in mustaqbalka Ingiriiska iyo Maraykanka uu midba dhisan karo shan Markab, Jabaanna saddex. Dalka Biritayn markan waabay ka shiixaysay heshiiskii ay Jabaan la gashay 1902dii, kol haddii sababtii ku kaliftay, oo ahayd halista dalka Jarmalku geshay ay haatan dhammaatay. Aad ayey u jeclaysatay in heshiiskii ay ku beddesho heshiis afar xoog dhexmara iyada, Maraykanka, Jabaan iyo Faransiis, mid walibana kan kale ugu ballan qaado in uu ilaasho xaqa uu kan kale ku leeyahay Bariga fog. Tallaabooyinkaas oo dhammi midina may raali gelin Jabaan. Maxaa yeelay, sida Talyaaniga oo kale ayuu qabay in bahdii aywada dagaallameen ay lugta jiiday. Gaar ahaan colaadda Maraykanka ay u qaadeen waxay korodhay markii xeerkii Joonsan uu mamnuucay dad Jabaaniis ahi inay degaan dalka Maraykanka. Dadka Jabaaniisku colaadday u qabeen reer galbeedka waxay korodhay markii ay dalal reer Y urub ahi cashuur dheeraad ah saareen alaabta warshadaysan ee Jabaanka. Madaxda ciidammada qalabka sida arrintaasi way la qaraaraatay. Ururro qarsoodi ah iyo kuwo saraakiisha ciidammadu leeyihiin ayaa dadweynaha dagaal ku guubaabiyey. Nimankaasi waxay ku doodayeen in taag darrida dalka Shiinuhu aanay mid waarta noqonayn. Sidaas awgeedna ay habboon tahay in Shiinaha lagu duulo inta aanay xoogaysan. | |
Arrintaasi waxa aad ugu hanqal taagayey askarta Jabaaniiska ah ee Manshuuriya degganayd. Waxa gobolkaas joogay askar iyo niman Baayacmushtar ah oo ku dulnoolaansho ka abuuran rabay dalka Shiinaha. Khayraadka gobolka Manshuuriya iyo dalka Shiinaha guud ahaan ayey u hamuun qabeen. Dalkaasna waxay doonaan ayey ka samayn jireen, maadaama ay dawladdoodii aad uga durugsanayd. Waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa 1928kii markii shirqool lagu dilay nin madaxda dalka Shiinaha ka mid ah si dagaal ay u ridaan. Hase ahaatee dawladda Jabaan ee Tookiyo ayaa garab siin wayday, dabadeedna siyaasadday wateen ayaa hoobtay. 1931 kii Shiinuhu waxay ku mashquuleen daadad ku soo rogmaday Yurub iyo Maraykanna dhibaatooyin xagga dhaqaalaha kaga yimi ayaa gacma xiray. Ciidankii Jabaaniiska ayaa tareen agmara magaalada Mukdin waxyeello u geystay. Hase ahaatee, dhibaatadaasi waxa qoorta loo sudhay dadka Shiinaha, marmarsiiyana waxay uga dhigteen gobolka Manshuuriya oo ay isku baahiyeen. Markii ku xigtay Magaalada Shaangahay ayaabay bam la dhaceen. Weerarka Manshuuriya waxa uu ahaa talaabadii ugu horraysay ee ururka ummadaha kartidiisu ku soo shaac baxday. Maxaa yeelay Shiinaha iyo Jabaanba xubno ururka ka mid ah bay ahaayeen. Jabaanku in uu dagaal gardarro ku kacayna si cad ayuu u muujiyey, hase ahaatee ururku wax dhaafsiisan in Jabaan uu cambaareeyo muu qaban. Guddi soo eegta Sida xaal u dhacayna waa la diray. lyada oo aan Maraykan iyo Ruush midna ku jirin Ururka | |
Ingiriiskuna uu aad u taag darraa, ayuu dalka Shiinuhu Jabaan u gacan galay. Hashiisyadii Jabaan lala galay waxay ciidanka Kuwantung la ahaayeen xaashiyo aan qiimo lahayn. Askartii Jabaaniisku Manshuuriya oo idil ayey qabsadeen waxaanay ka dhiseen dawlad dabadhilif ah oo lagu magacaabo Maanjukno. Dalka Jabaan dadkii taageersanaa ciidammada ayaa af gambiyey dawladdii. Madaxdii Wasiirradana waa la dilay. 1930naadii gardarradii Jabaaniisku si dhakhso leh ayey u fidday. Jabaan waxay rabtay Shiinaha inay u garabsato dagaal ay reer galbeedka kala hortagto. Shiinuhu markii uu ku diidday fikraddaasi waxay Jabaan goosatay in duullaan buuXa ay dalka Shiinaha ku qaaddo. Bishii Julay 1937 kii qulqulad ayaa ciidammada Jabaanka iyo Shiinaha ku dhexmartay Buundada Markopoolo oo Bekiin u dhow. Inkastoo Shiinuhu ka cudurdaartay arrintaasi iyada ah oo waliba ciidammada Jabaanku aanay xaq u lahayn in halkaasi ay joogaanba, misana qulquladdaa waxay Jabaanku marmarsiinyo uga dhigteen weerar ay dalka Shiinaha ku qaadaan. Arrintaasi Jabaan walaac ayey ku ridday. Maxaa yeelay, Ruushka ayey ka baqo qabeen in uu Manshuuriya soo weerarro inta ay dalweynaha Shiinaha ka dagaallamayaan. Si kastaba ha ahaatee (ciidammadii Kuwaantung siday rabeen bay yeeleen. Dadkii Shiinuhu si geesinnimo leh bay u dagaallameen, hase ahaatee, muddo sannad ku siman ayaa meelihii aad loo degganaa oo dhan Jabaanku qabsaday, dawladdii ummadda Shiinahana waxay ku qasbeen inay degto Jangking. | |
Roosfelt wuxuu ka walaacsanaa sida arrimahaasu u soconayeen, maxaa yeelay, waxa uu iska dhigayey nin nabadda jecel. Sida uu arrimaha gudaha ugu soo rogay siyaasad la magac baxday wax qabasho cusub ayuu tan arrimaha dibeddana aragti u jeedda Jaarnimo wanaagsan ku maamulay. Taasi waxay gaarahaan ku lug lahayd dalalka Koonfur Ameerika. Beryihii hore ee dalalkaasi loo xoogsheegan jiray waa laga gudbay. Baanamana madaxbannaani ayey heshay. Ciidamrnadii badda ee Heeti degganaana waa laga soo qaaday. Xeerkii dawladda Maraykanka u oggolaanayey in arrimaha Kuubba ay dhexgasho golaha ayaa baabi'iyey. Tallaabooyinkaasi guulo ayey u soo hooyeen dalalka Koonfurta Ameerika. Nasiib darrose waxba kamay beddeli karayn qaska Yurub iyo bariga fog ka taagnaa. Markii Jarmalka iyo Jabaanku kala saxiixdeen heshiis saaxiibtooyo oo ka horjeeda ururka dhaqaalaha ee Shuuciga, Madaxweynaha Maraykanku, Roosfelt, aad ayuu uga walaacay, dadka Maraykankana wuu uga digay halista ka dhalan karta heshiiska labadaas dal dhexmaray. 1937kii isaga oo ka hadlaya dagaallada ka socday Isbayn iyo Shiinahaba waxa uu dadweynaha u sheegay xaalku haddii uu sidaas ku socdo in dalka Maraykanku aanu ka nabad geli doonin weerar lagu soo qaado. Dadku markay hadalkiisii maqleen aad ayey ula yaabeen, niman xisbigiisa ku jirayna waxay ku tilmaameen nin dagaal jecel. Laba sannadood ka dib markii uu dagaalkii labaad ee adduunku qarxay, dadweynaha Maraykanku dareen go'doon u ah ayaa hayey. Ninka Maraykanka ahi dan kamuu lahayn waxa Yurub ka dhacaya | |
1940kii markii Farans jabtay ayaa Maraykanku indhaha kala qaaday. Waxa ka yaabiyay xoogga Jarmalka, taasina waxay Maraykan ku dhalisay in dadka qasab lagu qoro milatariga iyo in la weyneeyo ciidanka badda. Xagga badweynta Atlaantigga doonyihii Jarmalka (U-Boats) ayaa maråakiibta Baayacmushtarka ee Maraykanka kula kacay in ay dejiyaan. Roosfelt wuxuu markaas amar ku baxshay in la toogto gujisyada Jarmalka iyo Talyaanigaba. Dalka Biritayn waxa uu Maraykanku u diray wixii qalab ah ee lagu dagaal geli karo, si ay uga gaashaamato duullaan lagu soo qaado. Maraykanku waxa uu ciidammada badda ee boqortooyada Biritayn siiyey Konton Markab oo duug ah, isna waxa loo oggolaaday in saldhigyo uu ka samaysto Jasiiradaha kariibayanka. Sannad ka hor gargaarkaasi waxa u ahaa mid aan suurtoobeyn. Hase ahaatee, Maraykanku waxay aqoonsadeen markan sida uu xaal yahay. Sannadkii 1940kii dhammaadkiisii ayaa Roosfelt mar saddexaad loo doortay madaxweyne in uu noqdo. Isaga oo ku dhiiraday kalsoonidaas uu helay ayuu soo bandhigay Mashruuc ku caan baxay Mashruuc Amaaha Ijaar ah (Land-Leas Scheme). Talaabadaasi waxay suuragelisay in Biritayn alaabo kala duwan loo diro. Lacagtana laga sugo ilaa uu dagaalku dhammaado. Haddii alaabtu degto ama la waxyeeleeyo, waxa loo qaadanayey sidiiyoo uu Maraykanku ku takrifalay. Marka laga bilaabo Bishii Maajo 1941 kii | |
Biritayn iyo bahdeedii. Maraykanka ayaa waxyaabahay ugu baahnaayeen inay dagaalka ku wadaan u dirayey. Shan bilood ka dib Roosfelt iyo Jeerjil baa ku kulmay xeebta Niyuu Fawndland (New Foundland) halkaasna ku saxiixay Axdigii Atlantigga ee caanka ku noqday xornimada dadyowga adduunka loogu baaqay iyo sameynta urur nabadeedka ka dib marka Naasiga laga guulaysto. Isla waqtigaas madaxda Jabaanku waxay ka doodayeen waxay fali lahaayeen. Qaska Yurub ka taagnaa waxa uu Jabaan fursad u siiyey takri fal madaxbannaan. Askartu waxay rabtay dalka Shiinaha iyo Manshuuriya oo la isku baahiyo. Ciidammada Baddu waxay rabeen in Koonfur lagu duulo si gacanta loogu dhigo ceelasha saliidda ee Dhajku ku lahaa Indooniisiya. Hase ahaatee, waxay ka baqe qabeen Ruushka. 1940kii Ruushka ciidankiisa Taangiyada ayaa ku libaystay dagaal ay iskaga horyimaadaan Jabaanka oo ku ekaa soohdinta Manshuuriya. Waxa Jabaan u caddaatay in -Midowga Soofiyeetigu aanu ahayn Raashiyadii hore ee taagta darrayd. Jabaan waxa kalooy aqoonsatay in Jarmalku dagaalka ku libaysanayo. Sidaa awgeedna waxay u hamuun qabtay in gacanta ay ku dhigto maxmiyadaha Biritayn, Dhajka iyo Farnsiisku Bariga fog ku lahaayeen. Haddii ay hubi lahaayeen in Ruushku aanu soo weerari doonin ciidammada Jabaan Koonfur bay duulaan ku qaadi lahaayeen si warshadaha Jabaan ay markaas uga helaan alaabta caydhiin ee dalalka Indoo-Jayna, Siyaam, Barma, Maleeshiya iyo Bariga Hindiya ee Dhajku gumaysto. | |
Mashkaladay Jabaan ka walaacaysay, Jarmalka ayaa u furay, ka dib markay ciidammadii Naasigu weerareen dalka Ruushka bishii Juun 1941 kii. Markii la gaaray Bishii Disember 1941 kii Jabaan wax waliba way u dhammaayeen Kono oo ahaa Madax Wasiirrada, nabaddana jecel waa la casilay, sarreeye gaas T ojo ayaana lagu beddelay. Jabaan kelitashi millitari ah ayaa ka dhismay. Hore markii Faransiiska lajabshay (Juun 1940kii) Jabaan Indoo Jayna ayey qabsatay. Markaas ayaa Roosfelt joojiyey birtii Jabaan loo dhoofin jiray, moodkay dalka Maraykan ku lahaydna la fadhiisiyey. Madaxweynaha Maraykanku waxa uu Hitlar u arkaayey nin halis ah. Jabaaniisku si cad umay muujin himilooyinkooda ay dagaal ku rumayn rabeen Jabaan waxay la soo taagnayd nabad ayuun baanu rabaa, bal muu Maraykan Shiinaha dagaalkay wadaan ka joojiyo. Roosfelt waxba kama uu qaban arrintaasi. Wadahadallo ayaa la furay ku ekaa Bishii Noofembar 26dii 1941 , markaasoo Maraykanku diiday waxay Jabaan codsatay. Kolkaas ayaa T ojo xiriirkii dibloomaasiga ahaa u jaray dawladda Maraykanka. Warqaddii Jabaan ay ku caddaysay arrintaas Washington way gaartay, hase yeeshee, waxa dib u dhac ku riday tarjumadii oo lala habsaamay. Wixii ku yiil waxa la ogaaday lix saacadood ka hor intaan dekadda Biiral Jabaanku weerarin, oo ku taal Jasiiradaha Hawaay, 7dii Disembar 1941 kii. | |
Bil horteed ayaa lix markab oo kuwa dayuuradaha qaada, laba kuwa dagaalka ee waaweyn, laba kuwa badda maaxa iyo konton markab oo yar yari ka amababaxeen Jabaan. Waxa ay sideen 423 dayuuradood oo Bamam ku gaashaaman. Waxay amar ku qabeen in ay ka gudbaan waqooyiga Jasiiradda Aluushiyan iyo midhway hal- kaasna ay weerar ka qaadaan. Inay guulaystaan waxa sal u ahaa in aan la arag oon la ogaan. Qorshaha weerarkaasi waxa lahaa Admiral Isoroku Yamamoto, dhowr sano ayuu ku dooday in kol haddii uu Maraykanku ka xoogweyn yahay, Sida keliya ee Jabaan kaga rayn kartaa ay tahay, iyada oo burburisa ciidanka badda ee Maray kanka. Si taasi u suuragasho Maraakiib dayuuradaha qaada ayuu dhisay, oo loogu tala galay in lagu dhoweeyo goob aan durugsanayn oo dayuuraduhu ka weerari karaan saldhigga ciidanka badda iyo kan cirka ee Maraykanka. Maraakiibtu intay dhexda soo socotay duuliyayaasha waxa laga dhaadhacshay Jaangooyada weerarka dekadda Biiral. In duuliyayaashu ay gaaraan dekadda Biiral iyada oon la arag, waxay u muuqanaysay hal aan suurageli karin. Hase ahaatee wax weliba sidii ay rabeen ayey u dhaceen. Maraakiibta Jabaanka ee waaweyneyd. Kasumi iyo kuwii kaleba diyaaradihii Maraykanka ee ilaalada ahaa Indho may saarin. Waxa Maraykanka lagu canaantay in waagaas ay foojigo darraayeen. Runtu waxay ahayd in madaxda taliska ciidammada Maraykanku ay ogaayeen Jabaanku in weerar uu ku soo qaadayo, hase ahaatee gees uu kaga imanayo ayaanay garaneyn. |
README.md exists but content is empty.
- Downloads last month
- 14